Waxaa saacadihii lasoo dhaafay cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhex aloosan kooxda riddada Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxaha mucaaradka ee ku bahoobay Golaha Mustaqbalka.
Maleeshiyaad hubaysan oo ka amar-qaata maamulka Gurguurte ayaa saqdii dhexe ee xalay u daatay hoteel ay deggenaayeen xildhibaanno kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo maalin ka hor hawada laga soo celiyey loona diiday socdaal ay ku tagi rabeen magaalada Garoowe.
Sida ay wararku tibaaxayaan, maleeshiyaadka Guruguurte waxay hoteelkaasi oo ku yaalla xayndaabka Xalane ka afduubteen murtad Axmed Cabdi Hurre, oo la-taliye u ah Madaxweynaha Puntland, kaas oo lagu eedeeyey falal ka dhan ah amniga.
Xildhibaannadii kale ee hoteelkaasi ku sugnaa ayaa xilliyadii suxuurta ee xalay waxay baraha bulshadda soo dhigeen muuqaallo ay ku muujinayaan sida ay wax u dhaceen, iyagoo sheegay in la laayay, isla markaana ay u afduuban yihiin Gurguurte iyo kooxdiisa.
Maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland oo tallaabadan si adag u cambaareeyey, ayaa sheegay in jirdil iyo afduub loo geystay xildhibaannada la weeraray, waxaanu falkaasi ku tilmaamay mid ugub ah oo lagu bartilmaameedsanayo mas’uuliyiinta reer Puntland.
Geesta kale waxaa saacadihii lasoo dhaafay xilalkii ay ka hayeen nidaamka Gurguurte iska casilay Laba Wasiiru-dowle, oo kasoo jeeda deggaannada Puntland laguna magacaabo Ismaaciil Buraale iyo Caynaanshe Yuusuf, kuwaas oo xubno ka ah golaha dawaaqiidda ee barlamaanka riddada Soomaaliya.
Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli khilaafka dastuurka riddadu uu sii laba-laxaadsaday, isla markaana maanta oo talaada ah la filayo in baarlamaanka dawaaqiidda si sandulle ah lagu marsiiyo ansixinta wax-ka-beddelka dastuurka ee gadaal uu ka riixayo murtad Gurguurte.