Inta la hubo ugu yaraan 4 caruur ah ayaa dhintay, halka tiro intaas ka badanna dhaawacmeen, kaddib duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Cafarta ee dalka Jabuuti.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Riddada Jabuuri ayaa xaqiijiyay dhacdada, waxayna sheegeen inay goobta weerarku ka dhacay ku nafwaayeen ilaa 4 carruur ah, halka tiro kalena dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Xasan Maxamed Xasan oo ah xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti, ayaa sheegay in carruurtu ku geeriyoodeen qarax laga soo calaamadiyay deegaanka Dhikil ee hoostaga gobolka Cafarta, dhacdada weerarkan ayuuna ku tilmaamay mid murugo leh.
Dowladda Jabuuti ma aysan bixin faahfaahin intaas ka baxsan, waxayna ku gaabsatay inay goobta u dirtay koox baaritaan oo loogu talagalay si ay u ogaadaan sababta keentay qaraxa.
Dhankiisa, urur sheegta in uu u doodo xuquuqda aadanaha ayaa xaqiijiyey in qaraxa jugtiisa laga maqlay koonfurta Jabuuti uu ka dhashay duqayn ay ka dambeysay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ta loo taqaan.
Wuxuu ururku intaas ku daray in laba ka mid ah carruurta oo ka kooban wiil 6 sano jir ah iyo gabar 7 jir ah ay isla goobta ku dhinteen, halka labada kale na ay u geeriyoodeen dhaawacyo daran oo soo gaaray, waxaana dhimashada carruurta dambe loo sababeeyay inaysan helin daryeel caafimaad oo deg deg ah.
Wararka qaar waxay sheegayaan in xilliga weerarku dhacayay ay carruurtaas xoolo daajinayeen, marka laga soo tago afarta caruur ee weerarka lagu dilay, waxaa duqaynta ku dhaawacmay lix kale, kuwaas oo mid ka mid xaaladdiisa laga deyrinayo.
Ururka xuquuqda aadanaha ee dhacdadan ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay in weerarkani yahay duqayntii lixaad oo muddo lix bil gudahood diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ku ku beegsadaan dadka reer guuraaga ee gobolkaasi ku dhaqan.
Dadka ku dhaqan gobolka Cafartu, waxay rumeysanyihiin in xukuumadda Jabuuti ee uu madaxa u yahay kaligiis taliye, Ismaaciil Cumar Geelle ay si gaar ah u takoorto dadka cafarta ah ee ku dhaqan gobolkaasi.
Waxay dhacdadan kusoo beegmaysaa xilli bishii Febuary ee sannadkii tagay dowladda Jabuuti sheegtay inay koox mucaarad ah ku bartilmaameedsatay meel ku dhow xuduudka kala dhaxeeya Itoobiya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan siddeed askari oo ka mid ah kooxaha kasoo horjeeda dowladda iyo dad rayid ah oo aan tiradooda si rasmi ah loo shaacin.