Guddoomiyaha golaha dawaaqiida kooxda Riddada Soomaaliya murtad Aadan Madoobe ayaa khudbad uu ka jeedinayey goob fagaara ah ka sheegay in Dastuurka Riddada ee dhawaan Baarlamaanka Riddada ansixiyeen uu siinayo muddo kordhin hal sano ah sidaas owgeedna ay sii jooji doonaan xilalka ilaa muddo hal sano ah.
Murtadkaan ayaa sheegay in Hay’adaha kala duwan ee Riddada oo uu ku jiro Baarlamaanka ridada ay sii shaqeyn doonaan muddo sanad kale xilli kooxda ridada ee hadda talada heysa ay u harsan tahay muddo laba bilood ah muddo xiloodkooda.
Arrintaan waxay kusoo aadaysaa xilli dhawaan Baarlamaanka ridada ay ansixiyeen Dastuur cusub oo ay yeelan doonto kooxda ridada Soomaaliya kaasoo badli doono Dastuurkii hore ee Riddada.
Mucaaradka ridada ayaa siweyn kaga soo horjeedo Dastuurka cusub ee ridada, iyagoona sheegay inaysan marnaba aqbali doonin Dastuurkaasi.