Wararka ka imaanaya wadanka Imaaraatka Carabta ayaa sheegaya in ay si lama filaan ah uburburtay mid kamida diyaaradaha dagaal ee ay adeegsadaan ciidamada xukuumadda Riddada ee kajirta wadankaasi.
Ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqajiiyay in ay dhinteen kadib markii ay ladhacday diyaaradaha nuuca qumaatiga ukacda ah oo ay saaranaayeen.
Wasaaradda difaaca xukuumadda Abu Dubai ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in diyaaradday cillad farsamo soo wajahday kadibna ay hawada ku qaraxday ka hor intii aysan dhulka kusoo dhicin.
Warar si aad ah layskula dhaxqaaday baraha bulshada ayaa sheegaya in diyaaradda uu haleelay saaruukh Iiraan ay soo ridday balse xukuumadda Ridada Imaaraatka ayaa arrinkaas beenisay.
Dalka Imaaraatka Carabta ayaa kamid ah meelaha ay sida aadka ah ugu daadanayaan sawaariikhda iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Iiraan ay ku weerarayso Mareykanka iyo xukuumadaha carabta ee xulufada la ah.