Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa ku eedaysay dowladda dowladda Xabashida Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed inay weerarro isir-sifeyn ah ku hayso shacabka Tigray, kuwaas oo loo adeegsanayo madaafiic culus, iyo qaybaha kala duwan ee diyaaradaha dagaalka.
Warsaxaafadeed ay kooxdu soo saaftay ayay ku sheegtay in weerarradaasi ay sababeen dhimashada dad rayid ah, iyadoo si gaar ah u xustay duqeymo ka dhacay deegaanka Jila iyo magaalada Rama. Waxay sidoo kale muujisay inay si weyn uga xun tahay dabar-goynta uu Abiy Axmed ku hayo shacabka Tigray.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in lix sano ka soo wareegtay markii uu billowday dagaalkii Tigray, isla markaana muddadaas shacabka gobolka ay la kulmeen dhimasho, macaluul iyo cudurro.
TPLF ku baaqday in lala xisaabtamo dadka ay ku eedeysay inay mas’uul ka yihiin dambiyada ka dhanka ah shacabka Tigray, iyadoo hay’adaha sheegta xuquuqda aadanaha iyo waxa loogu yeero beesha caalamka ka dalbatay inay ka hor yimaaddaan falalkan gurracan.
Warsaxaafadeedkan ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysteen dagaallada culus ee ka socda waqooyiga Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigray, halkaas oo hirdan uu ku dhex-marayo jabhadda TPLF iyo ciidanka Xabashida Itoobiya.