Maleeshiyaadka kooxda ridada ayaa ku dagaalamay deegaan hoostaga degmada Warsheekh ee Wilaayada Shabeelada Dhexe, maleeshiyaadka ayaa isku haysta dhul, sida ay tilmaamayaan xogaha.
Dagaalkan oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed ayaa waxa uu ka dhacay tuulo yar oo hoostagta deegaanka Bashaqle oo hoostaga degmada Warsheekh.
Gudoomiyaha maamulka ridada Hirshibeella ugu magacaaban deegaanka Bashaqle ayaa sheegay, in tuulo hoostagta deegaankaas, ay kusoo weerareen maleeshiyaadka ka tirsan kooxda ridada oo uu hogaaminayay, nin lagu magacaabo Muuse Xaadoole oo ah sarkaal, kaas oo la xaqiijiyay, in lagu dilay dagaalkaas.
Gudoomiyaha deegaanka Bashaqle ayaa xildhibaan Xaadoole oo ay walaalo yihiin Muuse Xaadoole ku eedeeyay, inuu lahaa hubka walalkiis ku dagaalamayay.
Geesta kale, gudoomiyaha deegaanka Bashaqle ayaa ka hadlay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ee soo kala gaaray labada maleeshiyo ee ku dagaalantay deegaanka hoostago degmada Warsheekh, isagoona gudoomiyaha xaqiijiyay, in dad shacab ah ay dhibaato kasoo gaartay dagaalkaas.
Gudoomiyaha deegaanka Bashaqle ayaa waxa uu ku andacooday, in maleeshiyaadka soo weeraray ay ku haystaan xilka uu ka hayo deegaankaas.