Waxaa cirka iskusii shareeraya khilaafka udhaxeeya maamulka ashahaadda ladirirka Koonfur galbeed iyo kooxda Riddada Soomaaliya iyadoona dhinacyadu ay qaadeen tallaabooyin ay kusii kala fogaanayaan.
Cabdicasiis Laftagareen oo ah hoggaamiyaha maamulka Koonfur galbeed ayaa safar kedis ah uga amba baxay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga wuxuuna ka degay madaarka Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in Laftagareen uu diiday dhamman soo jeedimo uga yimid Xasan Gurguurte oo ay kamid ahaayeen in uu ka qabto taleefanka taas bedelkeedna wuxuu ku amray kaaliyaashiisa in aysan wax wadahadal ah layeelan wasiirro katirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Laftagareen oo hadda Itoobiya ku sugan ayaa laqorsheynayaa in saacadaha soo socda uu ku tago magaalada Baydhabo kadibna ku dhawaaqo in uu qabsanayo doorasho islamarkaana uu diidanyahay qorshaha muddo kororsiga ee uu qaatay Xasan Gurguurte.
Lataliyaha laftagareen ee dhanka warfaafinta ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in kooxda Riddada ay u bareerta dagaalka ka dhank ah maamulkooda islamarkaana ay is difaaci doonaan.
Dhinaca kale maamulka Koonfur galbeed ayaa soo saaray awaamir ka dhan ah xubnah kooxda Riddada ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool, wasaaradda amniga ee maamulkaas ayaa sheegtay in dhammaan saraakiisha kooxda ee ku sugan gobolladaas aysan ka dhoofi karin garoomada diyaaradaha,sidoo kale maamulka ayaa mamnuucay in isbitaallada Baydhabo lagu dabiibo maleeshiyaadka mucaaradka ee kusoo dhaawacma dagaallada iyadoona digniin adag loo diray isbitaallda iyo xarumaha caafimaadka.