Dhaqdhaqaaqo hubaysan oo aad u xooggan oo ka socda deggaannada hoos-taga maamulka Koonfur Galbeed ayaa si weyn u kordhay saacadihii lasoo dhaafay, kadib markii kooxda riddada ee Villa Soomaaliya ay maleeshiyaad fara badan ku daabushay degmada Buurhakaba.
Maamulka ashahaado-la-dirirka Laftagareen ayaa dhankooda wada abaabul xooggan oo ay doonayaan inay kaga hor-tagaan gulufkaasi, iyagoo magaalada Baydhabo kusoo bandhigay maleeshiyaad fara badan oo ay sheegeen inay kaga hor-tagayaan duullaanka Gurguurte.
Geesta kale, guddi doorasho oo maamulka Laftagareen uu dhawaan magacaabay ayaa saacadihii lasoo dhaafay si rasmiya u shaaciyey, liiska xubnaha cusub ee golaha dawaaqiidda ee Baarlamaanka 3aad ee maamulka Koonfurta Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in lagu soo xulay waxa loogu yeeray doorasho dadban.
Tallaabadan ayay kooxda Villa Soonaaliya si weyn uga soo hor-jeeddaa, waxaana afhayeen u hadlay maleeshiyaadka uu soo abaabulay Gurguurte ee mucaaradka ku ah maamulka Baydhabo, uu sheegay in baarlamaanka cusub iyo doorashada Laftagareen midkoodna aanay aqbalayn.
Xubnaha cusub ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, ayuu sidoo kale afhayeenkani ku eedeeyey inay qayb ka yihiin xiisadaha ka jira deggaannadaasi, isagoo ku dhawaaqay in saacadaha soo socda ay Baydhabo ka bilaabi doonaan dagaallo lagu soo afjarayo C/Casiis Laftagareen iyo maamulkiisa.
Murtad Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga laftarkiisu mar uu maanta ka hadlayay fagaare ku yaal Muqdisho, waxa uu ku celiyey in marnaba aan la aqbalayn doorasho dadban, loona diyaar-garoobo doorasho qof iyo cod ah.
Baarlamaanka riddada Koonfur Galbeed, Guddiga doorashada iyo salaadiinta qabaa’ilka Koonfur Galbeed ayaa maanta sheegay in iyagoo eegaaya danta dadka iyo deegaanka reer Koonfur Galbeed iyo duullaanka ku soo wajahan ay isla go’aansadeen in doorahadii guddoonka baarlamaanka iyo tii madaxweynaha maanta la is raaciyo.
Khilaafkan sii xoogaystay ee maamullada Muqdisho iyo Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay abaabulka maleeshiyaadka labada dhinac uu aad u xoogganaa, isla markaana ay suurto-gal tahay in saacadaha soo socda ay deggaannadaasi ka qarxaan dagaallo fool-ka-fool ah.