Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeryoodey dhul go’ ka dhacay dalka Tanzania kaddib roobab laxaad leh oo ka da’ay dalkaas.
Xogo maxalli ah ayaa sheegaya in dhulgo’yadu bilaabmeen Arbacadii ina dhaaftey gaar ahaan gobolka Mbeya ee Tanzania.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa xaqiijiyey in dhimashada ay kamid yihiin carruur yaryar isla markaana ay musiibadu sii kordhi karto.
Daadad ayaa xaaqay guryaha tuulooyinka sida wararku sheegayaan. Geesta kale dalka Kenya ilaa 88 qof ayaa la sheegay in ay geeryoodeen sababo la xiriira fatahaadaha.
Itoobiya ayaa sidoo kale horraantii bishan ay ka dhaceen dhulgo’ ay ku nafwaayeen ilaa 80 ruux.
Khuburada cimilada ee gobolka ayaa sheegaya in qasaaraha roobabku uu ka sii badan karaan sida haddii roobabku sii da’aan.