Kaddib heshiiskii dhammaadka sannadkii hore dhexmaray maamulka Yahuudda iyo maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland ee dal madax bannaan loogu aqoonsaday maamulka Hargaysa, ayay Yahuuddu safiir u magacowday deegaannada maamulka Cirro.
Wasaaradda arrimaha dibadda Yahuudda, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Micheal Lotam loo magacaabay safiir aan joogta ahayn oo maamulkaasi ugu magacaaban ‘Somaliland’.
Safiirkan oo hadda Yahuudda ugu magacaaban safiirka dhaqaalaha ee wareega ee qaaradda Africa, ayaa noqonaya safiir aan joogta ahayn oo maamulka Yahuudda ugu magacaaban deegaannada uu ka arrimiyo maamulka ashahaada la dirirka Somaliland.
Waxay tani daba socotaa wareegto bishii Febraayo kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Riddada Somaliland, murtad Cabdiraxmaan Cirro, loogu magacaabay Maxamed Cumar Xaaji in uu noqdo safiirka maamulkaasi u fadhin doona deegaannada Yahuuddu xoogga ku haystaan.