Madaxweynaha dowladda saliibiyadda Maraykanka Gaal Donald Trump ayaa Iiraan ugu baaqay inay is dhiibto, isagoo sheegay in millateri ahaan looga adkaaday, maraakiibteediina baddu liqday, isla markaana si ba’an loo burburiyey ciidamadeedii cirka, halka Tehran ay ku hanjabtay fal milatari oo aan hore loo arag oo ay ay sheegtay inay kaga jawaabayso “burcad-badeednimada Maraykanka”.
Trump wuxuu sheegay in dhaqaalaha Iiraan uu burburayo, lacagteeduna ay qiimo la’aan tahay, wuxuuna ammaanay go’doominta badda ee dekedaha Iiraan, wuxuuna intaa ku daray in cidna aysan ku dhiiran doonin inay jebiso go’doomintaasi.
Sidoo kale, Trump wuxuu caddeeyay inaan wax heshiis ah lala geli doonin Iiraan ilaa ay ogolaato inaysan yeelan hub nukliyeer ah, isagoo isagoo tilmaamay in maamulkiisu uu wadahadallo khadka taleefoonka ah la leeyahay Tehran, isla markaana uu doorbidayo wadahadallo toos ah.
Dhanka kale, wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in maamulka Trump uu doonayo inuu dalalka adduunka ku booriyo inay ku biiraan isbahaysi caalami ah oo cusub kaas oo uu tilmaamay inuu suurtagal ka dhigi karo inat maraakiibtu ay dhex maraan marin-biyoodka Hormuz.
Wargeysku wuxuu soo xigtay warqad gudaha ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo loo diray safaaradaha ay ku leedahay dalalka caalamka, taas oo muujinaysa in dadaallada lagu dhisayo isbahaysigani ay wateen magaca “Dhisidda Xorriyadda Maraakiibta Badda”.
Dhanka kale, telefishinka Iiraan ee Press TV ayaa soo xigtay ilo amni oo sheegay in sii socoshada “burcad-badeednimada Maraykanka” si dhow looga jawaabi doono tallaabo milatari oo aan hore loo arag.
Ilo-wareedkan amni, aya intaas ku daray in ciidamada qalabka sida ee Iiraan ay aaminsan yihiin in dul-qaadku xad leeyahay, ayna lama huraan tahay “jawaab adag” haddii Washington ay sii waddo go’doominta badeed ee ay ku hayso marinka Hormuz.
Dib u dhigista jawaabta militari oo Tehran ka bixiso ficillada Washington, ayaa lagu micneeyay in looga gol-leeyahay sidii fursad loo siin lahaa diblomaasiyadda iyo in caqliyadda Maraykanku ay shaqayso oo uu aqbalo shuruudaha Iiraan.
Iiraan waxay ku doodaysaa inay uga adkaysi badan tahay Maraykanka cunaqabataynta iyo go’doominta dhaqaale, maadaama ayay tiri khibrad dheer aanu u leenahay sida looga dabbaasho cunaqabataynta, xuduudahayaga dhuleed-na ay yihiin kuwo aad u ballaaran.
Press TV, waxa kale oo carrabka ku dhuftay in isbahaysiga Maraykanka iyo Yahuuddu ay dagaal bilaabeen 28-kii Febraayo, balse hadda Maraykanku uu raadinayo waddo uu kaga baxo colaaddaasi, ka dib markii uu khasaare kala kulmay goobaha dagaalka iyo miiska wadahadallada.
Press TV, waxa kale oo u carrabka ku dhuftay in Maraykanku uu hadda raadinayo waddo uu kaga baxo dagaalka kadib khasaarooyin baaxad leh oo soo gaaray, isla markaana uu Pakistan ka wado wada-hadallo qarsoodi ah si loo soo celiyo gorgortanka.
Warbaahinta Maraykanka ee CNN ayaa dhankeeda soo xigatay ilo-wareed sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha Pakistan ay filayaan soo jeedin nabadeed oo wax laga beddelay oo ka timaadda dhinaca Iiraan, kadib markii Trump uu diidday soo jeedin hore.
Donald Trump ayaa wadahadallo u muuqda kuwo waan-waan ah Talaadadii ka yeeshay sidii loo yareyn lahaa saameynta xayiraadda badeed oo Mareykanku muddo bilo ah ku hayo dekedaha Iran, isagoo sidoo kale ku boorriyay Tehran inay gaarto heshiis.
Sida ay ku warrantay Reuters, sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu la kulmay shirkadaha shidaalka si looga hadlo tallaabooyin lagu xakameynayo saameynta suuqyada shidaalka caalamiga ah, isla markaana loo sii wadi karo xayiraadda haddii loo baahdo.
Wadahadalladan ayaa yimid kadib markii ay istaageen dadaalladii xalinta khilaafka, taasoo keentay in Mareykanku isku dayo inuu cadaadis saaro dhoofinta shidaalka Iran isagoo adeegsanaya xannibaad-badeed si loogu qasbo inay dib u furto marin-biyoodka Hormuz.
Qiimaha shidaalka ayaa si weyn kor ugu kacay, iyadoo suuqyada saliidda cayriin ay gaartay uu gaaray heerkii ugu sarreeyay muddo bil ah, taasoo muujineysa cabsi laga qabo xayiraad dheer. Dagaalka ayaa sidoo kale Mareykanka ku kacay qiyaastii $25 bilyan ilaa hadda, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Pentagon-ka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Ismaaciil Baqaa’i, ayaa sheegay in Iiraan ay ku wargelisay dalalka Khaliijka, in haddii ay rabaan inay dib u helaan kalsoonida Tehran, ay khasab ku tahay inay bixiyaan magdhowga khasaaraha dagaalka, maadaama qaar ka mid ah dalalkaasi ay taageero buuxda siiyeen Maraykanka iyo Yahuudda.
Yahuudda oo dhankeeda iyaduna sii wadda jebinta heshiiskii ay la galeen Lubnaan ee xabbad-joojinta isla markaana fulisay duqaymo culus, ayaa Wasiirka difaaca maamulka Sahaayinadu uu shaaca ka qaaday in amar ay ku bixiyeen in dhulka lala simo oo la burburiyo dhammaan kaabayaasha ku yaalla, wax uu ku sheegay aagga amniga ee Koonfurta Lubnaan ilaa khadka Jaallaha ah, oo ah deggaanno ballaaran oo ay damacsan yihiin inay la wareegaan.