Madaxweynaha maamulka daba-dhilifka ah ee dowladda Xabashida Itoobiya ka samaysatay gobolka Soomaali-galbeed, murtad Mustafe Muxumed Cumar oo ku magac-dheer Cagjar, ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey wargeyska Itoobiyaanka ah ee The Reporter.
Mar wax laga waydiiyey waxa uu ka qabo damaca marin-badeed ee Abiy Axmed ayuu tilmaamay in qorshahaasi yahay mid uu soo dhawaynayo oo faa’iido weyn ugu fadhiya Itoobiya, jiilkeedan iyo kuwa soo socdana u noqon doona dhaxal weyn oo ay dheefsadaan.
Murtad Cagjar isagoo arrintan ka hadlaya waxa uu yiri “Saamaynta Itoobiya iyo dhaqaalaheeduba aad bay u ballaran doonaan, haddii ay hesho marin-badeed, sidaas darteed, ka gobol Soomaali-galbeed ahaan waxaan diyaar u nahay inaan bixino taageero kasta oo ku saabsan sidii Itoobiya ku xaqiijin lahayd marin-badeedkaasi”
Sidoo kale murtadkan, ayaa la waydiiyey, su’aal u dhignayd: Sideed u aragtaa dadaallada uu maamulka Somaliland ugu jiro sidii uu u noqon lahaa dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale, maxayse tahay saamaynta ay arrintani ku yeelan karto Soomaali-galbeed?
Mustafe Muxumed Cagjar, waxa uu markii ugu horreysay si cad u muujiyey sida uu ugu riyaaqsan yahay qorshahan lagu kala dhantaalayo Soomaaliya, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in Somaliland iyo Soomaali-galbeed ay xiriir wanaagsan leeyihiin, wixii u soo kordhana uu raalli ku yahay.
Waxa kale oo murtadkani carrabka ku dhuftay in dowladaha kasoo hor-jeeda aqoonsiga Somaliland ay sidoo kale khatar ku yihiin Soomaali-galbeed maadaama ayuu yiri amniga labada dhinac uu yahay mid isku xiran oo aan kala maarmi karin.
Xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland iyo dhulka ku hoos-jira gumaysiga Itoobiya ee Soomaali-galbeed ayuu murtad Cagjar ku tilmaamay mid aad u qoto dheer, isagoo sheegay in xiriirka ugu badan ee ganacsi ay la leeyihiin Somaliland.
Ugu dambayn, murtad Mustafe Cagjar wuxuu caddeeyey in wixii arrimaha dibadda quseeya ay u daba-fadhiyaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, isla markaana ay awoodda saaraan u gudbinta wixii macluumaad ah ee la xiriira arrimahaasi.