Markab shidaal oo ku sugan marin-biyoodka Hormuz ayaa lasoo sheegay in lagu garaacay gantaallo aan la garanayn, sida ay goor dhawayd soo tebisay mid ka mida hey’adaha sheegtay inay qaabilsan yihiin ammaanka badda.
Weerarkan ayaa yimid wax yar ka dib markii Madaxweynaha dowladda saliibiyadda Maraykanka, Gaal Donald Trump uu sheegay in maamulkiisu uu bilaabi doono inuu caawiyo maraakiibta ku xayiran Gacanka sababo la xiriira dagaalka Bariga Dhexe.
Trump faahfaahin kooban ayuu qorshahan ka bixiyey, isagoo sheegay in mashruucani uu bilaaban doono Isniinta oo maanta ah si loo caawiyo maraakiibta iyo shaqaalahooda ku go’doonsan marin-biyoodka, kuwaas oo uu sheegay in agabyo kala duwan iyo cuntooyinku ay ka go’een.
Qoraal uu Trump soo dhigay bartiisa xiriirka bulshadda ayuu ku yiri “Waxaan u sheegnay dalalkan inaan si nabad ah uga saari doono maraakiibtooda marin-biyoodkan xanniban, si ay si xor ah oo hufan ugu sii wataan ganacsigooda,”
Boqolaal maraakiib ah iyo ilaa 20,000 oo badmaaxayaal ah ayaa ayaa lasoo wariyey in ay go’doonsan yihiin, kuwaas oo awoodi waayay inay maraan marin-biyoodka intii uu socday khilaafka Bariga Dhexe, sida ay sheegtay Ururka Caalamiga ah ee Badaha.
Taliskii Dhexe ee Mareykanka wuxuu sheegay inuu taageeridda maraakiibta xanniban u adeegsan doono 15,000 oo ciidan Mareykan ah, in ka badan 100 diyaaradood oo badda iyo berriga ku shaqeeya oo ay weheliyaan maraakiib dagaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
War-saxaafadeedka kasoo baxay taliska dhexe ee Maraykanka ee (CENTCOM) ayaa lagu yiri “Hawlgalku wuxuu ujeedkiisu yahay in dib loo soo celiyo xorriyadda maraakiibta ganacsiga ee isaga gooshta marin-biyoodka Hormuz, taas muhiim u ah amniga gobolka iyo dhaqaalaha adduunka ”
Xildhibaan sare oo reer Iiraan ah, ayaa ka digay in faragelin kasta oo Maraykanku ku sameeyo nidaamka cusub ee maraakiibta ee marinka Strait of Hormuz loo tixgelin doono jebinta xabbad-joojinta. Wuxuu ku tilmaamay qorshaha Donald Trump ee lagu sheegay ilaalinta maraakiibta mid “mala-awaal ah”.
Wax yar ka dib hadallada uu jeediyey Trump, hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) waxay sheegtay in mid ka mida maraakiibta shidaalka oo ku sugnaa marinka Hormuz, lagu garaacay gantaallo aan la garanayn.
Inkastoo khasaaraha markabka gaaray aanay sheegin hey’addu, haddana waxay xustay in dhammaan shaqaalahii saarnaa markabka ay bad-qabaan, waxaanay intaas ku dartay in weerarkani uu ka dhacay meel 78 mayl badeed waqooyi ka xigta dekedda magaalada Fujeyra, ee Isutagga Imaaraadka Carabta.
In ka badan laba bilood waxa uu marinkani u xanniban yahay Tehran, iyadoo ku dhawaad dhammaan maraakiibta ka imanaysa Gacanka aanay mari karin halkaasi, marka laga reebo maraakiibta Iiraan u gaarka ah, taas oo keentay in qiimaha tamarta adduunka uu cirka isku shareero.
Qaar ka mid ah maraakiibta oo isku dayay inay maraan marin-biyoodka ayaa la weeraray, waxaanay Iran qabsatay dhowr markab, halka Mareykankuna uu isna bishii hore si gaar ah go’doon ugu soo rogay maraakiibta ka imanaysa dekedaha Iran.
Maamulka Trump wuxuu isku dayay inuu caawimaad ka raadiyo dalal kale si loo abuuro isbahaysi caalami ah oo uu sheegay in lagu xoojinayo sugidda amniga maraakiibta. Taliska dhexe ee Maraykankuna waxa uu sheegay in dadaalkan ugu dambeeyay uu iskugu jiri doono tallaabo diblomaasiyadeed iyo isku dubarid hawl-gal milatari.
Iran waxay Axaddii shalay sheegtay inay heshay jawaabta Mareykanka ee dalabkeedii ugu dambeeyay ee wadahadallada nabadda maalin ka dib markii Trump uu ku dhawaaqay inuu u badan yahay inuu diido soo jeedinta Iran.
Trump, oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen saxafiyiinta habeennimadii xalay, wuxuu sheegay in wadahadalladu ay u socdaan si aad u wanaagsan, inkastoo faahfaahin dheeriya aanu ka bixin.
Warbaahinta Iiraan waxay sheegtay in 14-ka qodob ee Maraykaka ay hor-dhigtay ku saabsan yihiin kaliya soo afjaridda colaadda gobolka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Iran iyo Lubnaan. Balse aanay ku jirin wax qodobo ah oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iiran.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismaciil Baqaa’i, ayaa xaqiijiyay inay hadda dib u eegis ku samaynayaan jawaab uu Maraykanku ka soo bixiyey qorshahaasi, taas oo loo soo mariyay dhex-dhexaadiyayaal reer Pakistan ah.
Iran waxay ku gacan-sayrtay warar dhinaca Maraykanka kasoo yeeray oo sheegaya in soo-jeedinta Iran ay ku jirto qodob sheegay in muddo 15 sano ah la hakinayo hawlaha nukliyeerka, iyadoo ku tilmaamtay kuwo been-abuur ah oo sal iyo raad toona aan lahayn.