Telefishanka Iran ee Press TV ayaa baahiyey warbixin sheegaysa qorshe maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland doonayo inuu ku ballaariyo xiriirka uu la leeyahay maamulka Yahuudda.
Sida warbixintu ay ka sanqarisay, mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Hargeysa ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sare-u-qaadista xiriirka ay la leeyihiin Yahuudda, haddii Yemen ay xirto ayuu yiri, marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandeb.
Sida laga soo xigtay Telefishinka Yahuudda ee Channel 12, carqalad kasta oo ku timaada amniga badda waxay ku riixi doontaa Somaliland inay Yahuudda la samaysato iskaashi gaari kara ilaa heer isbahaysi dhanka amniga ah.
Press TV, wuxuu sheegay in mas’uulkan ka tirsan xukuumadda gaalla-raaca Cirro uu xusay in Somaliland ay hadda si toos ah iskaashi ula leedahay Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta, isla markaana ay suurtagal tahay iskaashi kan la mid ah oo ay la yeeshaan Kayaanka Sahaayinada.
Kooxda Shiicada ah ee Xuutiyiinta Yemen, isla markaana gacan-saarka la leh maamulka Teheran, ayaa uga digay Maraykanka iyo xulafadiisa inay xiri doonaan marinka Bab al-Mandeb haddii badda cas loo adeegsado weerar ka dhanka ah Iran.
Iran waxay xirtay marinka Hormuz ee Gacanka Faarisi si ay u beegsato maraakiibta xiriirka la leh Maraykanka iyo Yahuudda, sidoo kale Xuutiyiinta ayaa horey uga joojiyey marinka Bab al-Mandeb maraakiibta xiriirka la leh Yahuudda iyadoo kaga jawaabaysa dagaalka ka socda marinka Gaza.
Xogahan cusub ee soo baxay ayaa kusoo aadaya xilli dowladda saliibiyadda Maraykanka iyo sidoo kale maamulka Yahuuddu ay ku hawlan yihiin dhismaha saldhigyo millateri oo ay ka wadaan garoonka diyaaradaha ee magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera.