Shir maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayaa lagu soo hadal-qaaday nooca doorasho oo ka dhan ah Villa Soomaaliya oo ay qorsheynayaan inay mucaaradku ka dhinac qabtaan tan Gurguurte.
Shirka oo aan wax war ah laga soo saarin ayaa maanta u furmay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, waxaana kulankaas kasoo muuqday mid ka mid ah saaxiibada Gurguurte oo dhowaan shaaciyay in uu iska xasilay xubinnimada iyo xilka xog-hayaha xisbiga Xassan Sheekh Maxamuud, kaas oo ah Cabdiraxmaan Odowaa.
Shariif Sheekh Axmed, oo bartiisa qoraal soo dhigay, ayaa sheegay in uu ka qaybgalay kulanka oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorasho ka duwan tan madaxa kooxda Riddada, si nidaamka looga badbaadiyo buu yiri hubanti la’aan siyaasadeed.
Mid ka mid ah masuuliyiinta mucaaradka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay wadaan wadatashiyo ku saabsan nidaam doorasho oo ay kaga hortagi doonaan midka Villa Soomaaliya, maalmaha soo socdana ku dhawaaqi doonaan, sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday go’goshii uu Xasan sheekh u fidiyay mucaaradka, go’aamo rami ah inay kasoo saari doonaan ayuu sheegay.
Kulamada u billowday mucaaradka, ayaa kusoo beegmaya xilli Gurguurte madaxa kooxda Riddada Soomaaliya uu ku dhawaaqay ilaa 4 maamul goboleed iyo gobollada Gedo iyo Banaadir in laga qaban doono doorashada uu wato ee qof iyo codka ah, taas oo la kulmaysa diidamo xooggan oo dhanka mucaaradka ka imaanaysa.