Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maraykanka Iyo Iiraan Oo Weerarro Hor Leh Is-weydaarsaday.
  • Allposts
  • Warar

Maraykanka Iyo Iiraan Oo Weerarro Hor Leh Is-weydaarsaday.

May 5, 2026

Dowladaha Maraykanka iyo Iiraan ayaa saacadihii lasoo dhaafay is-weydaarsaday weerarro cusub oo ka dhacay gacanka, iyadoo Tehraan ay sheegtay inay rasaas digniin ah ku furtay markab dagaal oo isku dayay inuu ka gudbo marin-biyoodka.

Maamulka Saliibiga ah ee Washington ayaa beeniyey weerarkan, isagoo dhanka kalena sheegay inay quusisayeen 6 doomood oo Iiraan ay leedahay, kuwaas oo ay xustay inay isku dayayeen inay weeraraan maraakiibta ganacsiga.

Weeraradan cusub ee gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn isugu jira ee la is-dhaafsaday ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu bilaabay dadaal cusub oo maraakiibta shidaalka iyo kuwa kale ee ku go’doonsan looga saarayo marinka.

Sidoo kale, waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa isna xaqiijiyey in dab ka kacay aagga warshadaha shidaalka ee magaalada Fujeyrah kadib markii lagu weeraray diyaarado aan duuliye lahayn oo ka yimid dhinaca Iiraan.

Tallaabadan ayaa ah isku-daygii ugu horreeyay ee muuqda oo loo adeegsado xoog milatari tan iyo markii xabbad-joojinta lagu dhawaaqay bishii hore si loo furo marinka, kaas oo Ilaalada Kacaanka Iran ay sheegeen inuu ku furmi karo oo keliya oggolaanshahooda.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey in Iiraan la tirtiri doono haddii ay weerarto maraakiibta Maraykanka ee fulinaya wax uu ugu yeera Mashruuca Xorriyadda,” isagoo isla waqtigaasna xusay in “Iiraan ay sidii hore ka dabacsan tahay marka la fiiriyo dhinaca wadahadallada.

Isku-daygan millateri ee hadda uu qaaday Donald Trump si loo furo marin-biyoodka Hormuz ayay warbaahinta caalamku sheegtay inay u muuqato mid bilowgiiba fashilantay, maadaama aysan kordhin maraakiibta ganacsiga, halka ay sababtay falcelin xooggan oo ka timid Iiraan, taas oo ku hanjabtay inay weerarri doonto dalalka deriska ah ee marti-geliyey ciidamada Maraykanka.

Shirkadaha waaweyn ee maraakiibta ayaa garwaaqsaday in aan la isku hallayn karin ballan-qaadyo beenta ah ee Trump, waxaanay sheegeen in wixii haatan ka dambeeya ay u badan tahay in maraakiibtooda aanay ku khamaarin oo ay iska sugaan inta colaaddan lasoo afjarayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Cabbaas Caraaqji ayaa sheegay in dhacdooyinkii shalay ay muujiyeen inaysan jirin xal milatari oo dhibaatada lagu xallin karo. Isagoo intaa ku daray in wadahadallada nabaddu ay horumar ka samaynayaan dhexdhexaadinta Pakistan isagoo uga digay Maraykanka iyo Imaaraadka inay fikiraan ka hor inta aysan dhiiqo cagaha la gelin.

Si kastaba ha ahaatee, milatariga Maraykanka ayaa sheegay in laba markab oo ganacsi oo Maraykan ah ay ka gudbeen marin-biyoodka, iyagoo taageero ka helaya maraakiibta wax burburisa ee Ciidanka Badda, inkasta oo aan la sheegin xilliga ay gudbeen.

Dowladda Iiraan ayaa beenisay sheegashada Maraykanka, waxaanay sheegtay in uusan jirin wax markab ah oo gudbay saacadihii lasoo dhaafay, inkastoo Maersk (Meesk) oo ah shirkad-gaalleed caalamiya oo ka shaqaysa maraakiibta xamuulku ay sheegtay in markab wata calanka Maraykanka, uu Isniintii shalay ka baxay Gacanka isla markaana uu sii maray Hormuz isagoo ay wehlinayaan ciidamada Maraykanku.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee gobolka ayaa sheegay in ciidamadiisu ay burburiyeen lix doonyood oo yar yar oo Iiraan ay leedahay, halka Tehran oo bayaan soo saartay ay waxba-kama-jiraan ku tilmaantay sheegashada Maraykanka.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa soo saaray khariidad ay sheegeen inay muujinayso ballaarinta aagga badda ee ay hadda gacanta ku hayaan, kaas oo ka sii durugsan marin-biyoodka isla markaana ku fidsan qaybo dheer oo ka mid ah xeebaha Imaaraadka.

Koonfur Koonfureed ayaa soo sheegtay in mid ka mid ah maraakiibteeda ganacsiga, oo ku sugnaa marinka uu la kulmay qarax iyo dab ka kacay qolka mashiinka, inkasta oo aanay jirin ayay tiri, cid ku dhaawacantay, isagoo afhayeen u hadlayna uu sheegay inaan la caddayn in dabku ka dhashay weerar ama gudaha uu ka bilaabmay.

Hey’ad Ingiriiska u qaabilsan amniga badda ayaa sheegtay in laba markab lagu duqeeyey meel ka baxsan xeebaha Imaaraadka, halka shirkadda shidaalka ee ADNOC ay ku dhawaaqday in mid ka mid ah maraakiibteeda shidaalka lagu qarxiyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan iyo sidoo kale gantaallada riddada dheer ayaa lasoo weriyey in shalay oo dhan ay ku hoobanayeen gudaha Imaaraadka Carabta. Waxaanay Iiraan ku guulaystay in gebi ahaanba ay dab qabadsiiso Fujeyrah oo ah mid ka mida dekedaha ugu waaweyn ee Imaaraadka Carabtu uu shidaalka ka dhoofiyo.

Waxay ku taallaa xeebta Badda Carabta, waxaanay ka baxsan tahay marin-biyoodka Hormuz, sidaas darteed shidaalka ayaa laga dhoofiyaa iyadoo aan laga gudbin marinka Hormuz. Waana sababta ay u leedahay istaraatiijiyadda gaarka ah.

Imaaraadka ayaa walaac ka muujiyey weerarrada cusub ee Iiraan, iyadoo dhanka kalena telefishinka dowladda Iiraan sheegay in saraakiisha milatarigu ay xaqiijiyeen inay u weerareen Imaaraadka iyagoo ka jawaabaya tallaabooyinka halista ah ee milatariga Maraykanka.

Qiimaha shidaalka ayaa durtaba cirka isku sii shareeray isagoo kor u kacay in ka badan 5% iyadoo suuqyadu ay ahaayeen kuwo kacsan kadib wararka ku saabsan suurtogalnimada weerarro hor leh oo mar kale ka qarxa Bariga Dhexe.

Taliska mideysan ee Iiraan ayaa yiri “Waxaan ka digeynaa in ciidamo hubaysan oo shisheeye, gaar ahaan ciidamada Maraykanka ee gardarrada ah, la weerari doono haddii ay isku dayaan inay u dhowaadaan oo ay galaan marin-biyoodka Hormuz.”

Arrintan waxay imaneysaa iyadoo weli la sugayo halka ay ku dambeyn doonaan wada-hadallada u dhexeeya Washington iyo Tehraan kadib fariimo cusub oo labada dhinac is dhaafsadeen, kuwaas oo ay isaga dab-qaadayso dowladda riddada ee Pakistan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 18-11-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -18-Dulqicdah-1447-Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -06-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -06-01-1448-Hijri

June 20, 2026
Tahriibeyaal Fara Badan Oo Ku Le’day Badweynta U Dhow Xeebaha Liibiya.
  • Allposts
  • Warar

Tahriibeyaal Fara Badan Oo Ku Le’day Badweynta U Dhow Xeebaha Liibiya.

June 20, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-01-1448 Hijri.

June 20, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada