Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo saaray documenti looga hadlayo qorshaha iyo istaraatiijiyadda Maraykanka ee la-dagaallanka waxa uu ugu yeero aragagixisada oo uu ka wado dadka muslimiinta ah.
Koboca awoodeed ee jihaadiyiinta ka hawl-gala qaaradda Afrika ayuu Maraykanku ku sifeeyey xaqiiqo jirta oo aan la iska indho-tiri karin. Isagoo mujaahidiinta uu sida gaarka ah u xusay ay ka mid yihiin Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin iyo Xarakada Shabaabul-mujaahidiin.
Dowladda Maraykanku waxay documentigeedan si cad ugu sheegtay in dagaalladan saliibiga ah ee ay kula jirto jihaadiyiinta ay salka ku hayaan hawl-gallo macatab-ku-dirirnimo ah oo ay sheegtay inay ugu hiilinayso dadka Kiristanka ah ee ku nool qaaradda Afrika.
Maamulka Trump ayaa sidoo kale shaaciyey inuu soo afjarayo dagaallada dabada dheeraaday ee Maraykanku uu kaga jiray guud ahaan adduunka, lana baxayo ciidamadiisa, isla markaana uu yaraynayo joogitaankiisa millateri ee caalamka.
Warbixintan cusub ee Maraykanka ayaa lagu yiri “Kadib tobanaan sano oo dagaallo joogto ah oo aan u adeegayn danaha shacabka Mareykanka, waxaan diiradda saaraynaa in ciidamayada aan dalka dib ugu soo celinno, oo aan yareyno joogitaanka militari ee caalamka.”
Si kastaba ha ahaatee, qorshahan cusub ee maamulka Trump ayaa ku qasbaya waddamada Afrika inay isku tashadaan, lana wareegaan mas’uuliyadda amnigooda, waxaanu Mareykanku ballan-qaaday oo kaliya inuu ka caawin doono dhinaca sirdoonka iyo qalabka, isagoo weliba xusay in mudnaanta koowaad uu siinayo danihiisa gaarka ah.
Go’aankan ayaa saamayn taban ku yeelanaya ciidamada afrikaanta ee duullaanka saliibiga ah ku jooga Soomaaliya iyo weliba maleeshiyaadka riddada, kuwaas oo Maraykanku uu horeyba uga goostay dhaqaalihii uu siin jiray, xilli haatanna ay la rafaadsan yihiin caqabado amni iyo kuwo dhaqaale oo aad u daran.