Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Iska Hor’imaadyo Dhexmaray Ciidanka Iiraan Iyo Maraakiibta Mareykanka.
  • Allposts
  • Warar

Iska Hor’imaadyo Dhexmaray Ciidanka Iiraan Iyo Maraakiibta Mareykanka.

May 9, 2026

Xilli weli ay cakiran tahay xiisadda Iiran iyo Maraykanka, ayaa habeennimadii jimcaha waxay iska horimaadyo goos goos ah oo u dhexeeya ciidamada Iiraan iyo maraakiibta Maraykanka ka dhaceen marin biyoodka Hormuz, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Faaris.

Sidoo kale Wakaaladda wararka ee Tasnim oo soo xigatay ilo milatari oo Iiraaniyiin ah ayaa sheegtay in xaaladdu ay degtay, balse suurto-gal ay yihiin in iska horimaadyo kale ay dhacaan.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay inay weerareen laba markab oo xiriir la leh Iran oo isku dayayay inay galaan mid ka mida dekedaha Iiraan, iyadoo diyaarad dagaal oo Mareykan ahi ay weerartay maraakiibtaas kuna khasabtay inay dib u noqdaan, sida ay tebiyeen warbaahinta reer-galbeedku.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku xaqiijiyey inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerarreen maraakiibta dagaalka Mareykanka, ka dib markii Mareykanku uu dhowr weerar habeennimadii jimcaha ka fuliyay gudaha Iiraan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay in xabbad-joojintu weli shaqaynayso inkastoo ay jiraan iska horimaadyada marinka oo weliba ku fiday meelo ka baxsan Hormuz. Iyadoo Imaaraadkuna ay qireen in jimcihii ay la kulmeen weerarro uga yimid dhinaca Iiraan.

Iran ayaa Mareykanka ku eedeysay inuu jebiyay xabbad-joojinta, waxaanu Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo jimcihii shalay mar uu arrintan ka hadlayay uu yiri “Mar kasta oo xal diblomaasiyadeed miiska saaran yahay, Mareykanku wuxuu door bidaa halis militari oo aan masuuliyad lahayn”

Mid ka mida wakaaladaha wararka ee Iran ayaa werisay in mid ka mida shaqaalaha markabka la dilay, 10 kalena ay dhaawacmeen, isla markaana afar kale la la’yahay kadib weerar ay habeennimadii jimcaha ciidamada badda Mareykanku ku qaadeen markab ganacsi oo Iran ay leedahay.

Danjiraha Iiraan u fadhiya urur-gaaleedka Qaramada Midoobay, Amiir-Saciid Iirawaani, ayaa warqad rasmi ah u qoray Golaha Ammaanka iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo uga digay cawaaqib xumo ka dhalan karta faragelinta milatari ee Maraykanka.

Sida lagu xusday warqaddan digniinta ah, Iiraan waxay sheegtay in tallaabooyinka milatari ee Maraykanku ka wado Gacanka Faaris iyo Marinka Hormuz ay horseedi karaan masiibo ka baxsan gobolka, khatarna ku ah nabadgelyada caalamka.
Warqadda ayaa lagu cambaareeyay weerarada uu Maraykanku habeennimadii jimcaha fuliyey kuna qaaday laba markab oo saliidda qaada iyo deegaanno-xeebeed ka tirsan dhulka Iiraan. Waxaanu Irawaani caddeeyey in weerarradaasi ay si cad u jebiyeen heshiiskii xabbad-joojinta.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Macro Rubio ayaa sheegay in Washington ay sugayso jawaabta Iiraan ee ku saabsan hindisaha Maraykanka, isaga oo muujiyey rajada ah in arrintaasi ay albaabka u furto wadaxaajoodyo dhab ah.

Dhankiisa, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Ismaaciil Baqaa’i ayaa sheegay in jawaabta Iiraan ee hindisaha Maraykanka ay weli ku jirto daraasad, isaga oo tilmaamay in dalkiisu aanu muhimad siinayn waqtiyada kama dambaysta ah ee loo qabanayo iyo sidoo kale digniinaha kasoo yeeraya dhinaca Maraykanka.

Isagoo Ismaaciil Baqaa’i u duur-xulaya Maraykanka ayaa waxa uu yiri “Haddii aad aragto miciyaha libaaxa oo bannaanka yaalla, ha u malayn inuu libaaxu dhoolla-caddeynayo.”

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka oo kulan uu la yeeshay raysal wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, ayaa su’aal geliyay sababta Talyaaniga iyo xulafada kale aysan u taageerayn dadaallada Washington ku sheegayso in dib loogu furayo marinka Hormuz.

Isagoo Talyaaniga iyo dalalka la midka ah la hadlaya ayaa waxa uu yiri “Ma waxaad caadi ka dhigaysaan waddan sheeganaya inuu xukumo marin-biyood caalami ah? Sababtoo ah haddii taas caadi laga dhigo, waxaad abuureysaan tusaale meelo kale oo badan lagu dayan doono,”

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqday cunaqabateyn lagu soo rogay 10 qof iyo shirkado ay ku jiraan qaar ku yaalla Shiinaha iyo Hong Kong, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka caawinayeen militariga Iran helitaanka hub iyo agab kale oo loo isticmaalo samaynta drones-ka.

Bayaan ay soo saartay wasaaraddu ayay ku sheegtay inay weli ay diyaar u tahay inay tallaabooyin dhaqaale ka qaaddo warshadaha militari ee Iran si Tehran aysan dib ugu soo ceshan awooddeeda wax-soo-saar iyo sidoo kale awooddeeda saamayneed ee dibadda.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 22-11-1447-Hijri.
Next: Maraykanka Oo Ku Dhawaaqday Qorshe Saamayn Taban Ku Yeelanaya Ciidamada AUSSOM.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 09-01-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 09-01-1448-Hijri.

June 24, 2026
Dab Ka Kacay Guri Uu Leeyahay Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Mucaaradka.
  • Allposts
  • Warar

Dab Ka Kacay Guri Uu Leeyahay Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Mucaaradka.

June 24, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -09-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -09-01-1448-Hijri

June 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada