Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuusan u maleyneynin inuu u baahan doono caawinta Shiinaha si loo soo afjaro dagaalka Iran, xitaa iyadoo rajadii laga lahaa heshiis nabadeed oo waara ay sii yaraaneyso, Tehranna ay sii adkeysay gacan-ku-heynta marin biyoodka Hormuz.
Ka hor shir madaxeedka sare ee Beijing, Trump wuxuu sheegay inuusan u maleyneynin inuu u baahan yahay inuu qoro madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping si uu u xalliyo khilaafka, kaasoo sii waday xannibaadda gaadiidka badda oo sida caadiga ah bixiya shan meelood meel saliidda adduunka.
Ka hor shir-madaxeedka sare ee Beijing, Trump wuxuu sheegay inuusan u malaynayn inuu u baahan doono inuu ka codsado Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping inuu xalliyo colaadda, taas oo sabab u noqotay inay sii socotu xannibaadda isu socodka maraakiibta ee Hormuz.
Donlad Trump isagoo la hadlaya wariyeyaasha ayuu yiri “Uma malaynayo inaan wax caawimaad ah uga baahanahay Iiraan. Si kastoo ay ahaataba waan guuleysan doonaa, si nabad ah ama si kale,”
Dhanka kale, Iran waxay sii xoojisay gacan-ku-heynta marin-biyoodka Hormuz, iyadoo heshiisyo la gashay Ciraaq iyo Pakistan si ay shidaal iyo gaas dareere ah uga soo dhoofiso gobolka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xogogaal u ah arrinta.
Dalal kale ayaa lagu soo warramayaa in iyaguna sidoo kale ay sahaminayaan heshiisyo la mid ah, sida ay ilo kale oo warbaahinta Reuters soo xigatay ay sheegeen, taas oo noqon karta tallaabo si joogto loogu aqoonsado xakamaynta Tehran ee marin-biyoodkaas.
Maamulka Trump ayaa Talaadadii sheegay in saraakiil sare oo Maraykan iyo Shiine ah ay bishii hore ku heshiiyeen inaan dalna loo oggolaan inuu canshuuro maraakiibta maraya gobolkaas, iyagoo isku dayaya inay muujiyaan is-afgarad arrintan ku saabsan ka hor shirka.
Shiinaha, oo xiriir la leh Iiraan isla markaana weli ah macmiil weyn oo dhinaca shidaalkeeda ah, weli kama uusan hadal sheegashooyinka kasoo yeeray dhinaca maamulka Trump.
Trump ayaa lagu wadaa inuu dagaalka kala hadlo Xi Jinping inta lagu guda-jiro kulan la qorsheeyay Khamiista ilaa Jimcaha, waxaana si weyn loo filayaa inuu ku dhiirrigeliyo Shiinaha inuu Tehran ku qanciyo inay heshiis la gasho Washington si colaadda loo soo afjaro.
Sida lagu sheegay warbixinno sir ah oo uu baahiyey wargeyska The New York Times, kana soo baxday sirdoonka Maraykanka horaantii bishan ayaa muujinaya in Iiraan ay wali haysato awood gantaallo oo ballaaran.
Warbixinta sirdoonka Maraykanka ayaa sidoo kale carrabka ku dhufatay in goobihii laga ridi jiray gantaallada Iiraan iyo xarumihii dhulka hoostiisu ay intooda badan shaqaynayaan, taas oo waxba-kama-jiraan ka dhigaysa sheegashooyinkii maamulka Trump ee ahaa in la burburiyay ciidamada Iran.
Saraakiisha sirdoonka Maraykanku waxa kale oo ay ka sanqariyeen in Iran ay dib u heshay 30 ka mid ah 33 saldhig oo kuwa gantaalaha ah oo ay ku leedahay agagaarka marin biyoodka Hormuz, kuwaas oo halis gelin kara maraakiibta dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa shidaalka qaada.
Warbixintu waxay sidoo kale muujisay in Iran ay haysato qiyaastii 70% gantaalihii ay lahayd ka hor dagaalka, oo ay ku jiraan gantaallada ballistic-ga iyo kuwa cruise-ka ah (Kuruuska), iyo sidoo kale gaadiidka lagu qaado gantaalladaasi.
Intaa waxaa dheer, oo warbixintu ay soo bandhigtay, in Iran ay sidoo kale dib u heshay 90% xarumaha dhulka hoostiisa ah ee lagu kaydiyo laguna rido gantaallada, kuwaas oo sirdoonka Maraykanku ay aaminsan yihiin inay ugu yaraan qayb ahaan ama gebi ahaanba shaqaynayaan.
Natiijooyinkan kasoo fakaday sirdoonka Maraykanka ayaa si buuxda meesha uga saaraya sheegashooyinkii madaxweyne Trump iyo xoghayaha gaashaandhigga Pete Hegseth ee ahaa in ciidamada Iran ay burbureen oo aysan mar dambe khatar ku noqon karin Maraykanka.
Iyadoo kharashka dagaalka uu sii kordhayo, ayuu madaxweynaha Maraykanak ee Trump uu Talaadadii shalay sheegay in dhibaatooyinka dhaqaale ee Maraykanka aysan wax saameyn ah ku lahayn fikirkiisa ku saabsan dagaalka Iran.
Wasaaradda Shaqada ayaa horey u sheegtay in sicir-bararka macaamiisha Maraykanka uu sii kordhay bishii Abriil, iyadoo heerka sannadlaha ahi uu gaaray kororkii ugu weynaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay. Sidoo kale xogtu waxay muujisay in qiimaha cuntadu aad u kacay, halka kirada guryaha iyo qiimaha duulimaadyaduna ay cirka isku shareereen.
Mar uu mid ka mida wariyeyaashu weydiiyay heerka ay dhibaatada dhaqaale ee Maraykanku ku riixayso inuu heshiis gaaro, Trump ayaa yiri: “Xitaa wax yar ma aha.” Waxaanu intaas ku daray “Kama fikiro xaaladda dhaqaale ee Maraykanka. Kama fikiro cidna. Waxaan ka fikiraa hal shay: Ma oggolaan karno Iiraan inay hesho hub nukliyeer ah. Intaas oo keliya. Taasi waa waxa keliya ee i dhiirrigeliya.”
Xilliga uu Trump hadalladan jeedinayo waa saacado ka hor inta uusan Aqalka Cad uga bixin safarkiisa Shiinaha. Waxaana la sheegay in hadalladan uu isaga hadaaqayo Trump ay imanayaan xilli kharashaadka nolosha ee gudaha waddanka Maraykanka ay si weyn sare ugu kaceen.