ADF Magazine oo ah majallad hoos-tagta taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee magaciisa loosoo gaabiyo AFRICOM, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in mujaahidiintu ay si xawliya u horumariyaan xeeladahooda.
Khabiir dhanka amniga ah oo majalladu ay soo xigatay ayaa sheegay in mujaahidiinta Al-Shabaab ay si deg-deg ah u fuliyaan hawl-galladooda, iyaga oo mar walba go’aansada goorta, goobta iyo qaabka weerarradu u dhacayaan.
Ibrahim Yanaya, oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegay in Mujaahidiintu ay beddeleen xeeladahoodii dagaal, iyagoo adeegsanaya hannaan cusub oo cadaadis iyo weerarro ah oo khatar ku noqon kara dalalka qaybta ka ah duullaanka Soomaaliya, sida Kenya.
Yanaya oo dhanka kalena ka tirsan hey’adda falanqaysa xasaradaha adduunka ee ICG, ayaa sidan ka sheegay shir uu qayb ka ahaa oo bishii lasoo dhaafay ee April 2026 ka qabsoomay waddanka Kenya, kaas oo ay qayb-galeen madax sirdoon oo ka kala socotay 70 waddan.
Wuxuu carrabka ku dhuftay in isbeddelkani muhiim u yahay mujaahidiinta , maadaama ay heleen habab ay mar walba kaga hor-maraan cadowgooda, halka ciidanka riddaduna ay mar walba ku mashquulaan jawaab-celin iyo daba-galka weerarro horey u dhacay.
“Marar badan, kooxahan ayaa go’aamiya goorta, meesha iyo sida ay weerarka u fulinayaan,” ayuu yiri Yanaya, isagoo intaa ku daray in ciidamada ka soo horjeeda ay khasab ku noqoto inay isaga guuraan halkii la doonayay inay ku sugnaadaan.
ADF Magazine waxay ka dhawaajisay in digniinta Ibrahim Yanaya ay timid xilli Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii ballaarinayaan saameyntooda, taas oo sidoo kale ay ka marag-kaceen ayay tiri qaar ka mida warbaahinnada caalamiga ah ee ka faallooda arrimaha millateriga.
Waxa kale oo majalladdu ka dhawaajisay in xeeladahan cusubi aanay ku koobnayn oo kaliya mujaahidiinta Al-Shabaab. Balse Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ee ka jihaadda saaxilka ayay sheegtay in iyaguna ay bilaabeen xeelado ay ku ceejinayaan maamullada riddada, gaar ahaan Mali.
Sida ay warbixintu xustay, tan iyo dabayaaqada 2025 jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin waxay xayiraad saareen sahayd shidaalka, taasoo nidaamka millateriga Bamako ka dhigtay mid aad ugu nugul in si fudud loo mija-xaabin karo.
Go’doominta ayaa qayb ka ah xeeladda dagaalka dhaqaale ee Jamaacadu ay isticmaalayso, taas oo bannaanka soo dhigtay itaal-darrida nidaamka millateriga ee riddada Mali, sida ay ku warrantay xarunta ka faalloota arrimaha amniga ee Soufan.
“Waxaa sii kordhaya walaaca ah in haddii nidaamka Mali uu dhaco, ay taasi sababi karto saameyn qotodheer ah oo ku faafta dowladaha kale ee gobolka, oo ay ku jiraan Burkina Faso iyo Niger, iyadoo laga cabsi-qabo in xawaarahaasi uu jihaadiyiinta ku riixo inay gacanta ku dhigaan guud ahaan xeebaha Galbeedka Afrika,” ayay tiri Soufan Center.
Si kastaba ha ahaatee, ADF Magazine waxay garwaaqsatay horumarka baaxadda leh ee mujaahidiintu ay ku tallaabsanayaan, iyadoo hoosta ka xariiqday walaaca ay kuffaarta ka qabto awoodda sii bullaalaysa ee mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin.