Xaalka magaalada Muqdisho waa uu kacsan yahay, waxaana maleeshiyaadka labada dhinac ee kala taabacsan mucaaradka iyo kooxda Riddada Soomaaliya ay dagaallo culus ku dhex-marayaan aagag kala duwan oo ka tirsan xaafadaha magaalada Muqdisho.
Maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lasoo weriyey in habeennimadii xalay ay weerar ku qaadeen guriga uu deggen yahay Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo ilaa saqdii dhexe ee xalay laga maqlayay daryanka rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanayaan.
Dhawaqa hubka culus ayaa sidoo kale xalay hurdada u diiday dadka ku nool qaybo badan oo ka tirsan xaafadaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Mirinaayo ee degmada CabdiCasiis oo fariisin u ah Shariif Sheekh Axmed.
Sida ay xogtu tibaaxayso, dagaalkan lagu qaaday guriga Shariifka ayaa markii hore ka bilowday aagga isgoyska Mirinaayo, balse wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in dib loo riixay maleeshiyaadka Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in khasaare culus la gaarsiiyey maleeshiyaadka Gurguurte isla markaana laba baabuur oo ka mida kuwa gaashaaman ee Beebeeyada looga gubay isgoyska Mirinaayo, isla markii uu dagaalku ka bilowday aaggaasi.
Waxa kale oo dagaal culus uu isna saqdii dhexe ee xalay mar kale ka qarxay aagga ku dhow guriga uu deggen yahay Xasan Cali Khayrre, kadib markii halkaasi ay weerar ku ekeeyeen maleeshiyaadka kala duwan ee kooxda Villa Soomaaliya.
Xog hor leh oo goor dhawayd soo baxday ayaa sheegaysa in guriga uu deggen yahay Xildhibaan CabdiRaxmaan CabdiShakuur Warsame oo ka mida hormoodka mucaaradka isna xilliyadii dambe ee xalay ay isku gedaameen maleeshiyaadka Gurguurte.
Iyadoo haatan waagu baryey, dagaalku weli waa uu socdaa waxaanay rasaasta ka dhacaysaa aagag kala duwan, taas oo muujinaysa in kooxda Gurguurte ay ku guul-daraysatay amar ay bixisay habeennimadii xalay oo ay doonaysay in lagu soo af-jaro hoggaanka mucaaradka.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Gurguurte uu sidoo kale ku amray saraakiisha jifo-hoosaadkiisa ah inay awood kasta geliyaan gelidda aagga Barmuuda, halkaas oo uu degan yahay Xasan Cali Khayrre, laakiin ilaa hadda uma ay suuroobin rasaastuna waa ay socotaa.
Dagaalkan oo si toos ah u soo bilowday galabnimadii shalay, siina laba-kacleeyey habeennimadii xalay, isla markaana socda ilaa hadda oo waagu baryey, ayaa u muuqda mid haba yaraatee wax guul ah aanay ka gaarin kooxda Riddada Soomaaliya, halka maleeshiyaadka mucaaradku ay isku sii fidiyeen aagag hor leh.
La soco wixii soo kordha.