Maleeshiyadan murtadiinta ah oo ka tirsan kuwa loogu yeero Birmadka maamul goboleedka ashahaada la diririka ah ee Puntland, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay mushaar la;aan iyo duruufo nololeed oo ay la daalaa-dhacayaan.
Ilo wreedyo ayaa sheegay inay maleeshiyadan saaka gadood ka sameeyeen taliska 54-aad ee kuyaal duleedka magaalada Garoowe, ee xarunta maamulka uu hoggaamiyo murtad Siciid Deni.
Wararka qaar waxay sheegeen in rassaas goos-goos ah laga maqlayay gudaha xerada, wallow aan slasoo xaqiijin khasaare ka dhashay rassaasta ka dhacday xeradaasi.
Wararku waxay intaas ku darayaan in maleeshiyada gadoodsan ay xaddideen dhaqdhaqaaqa xerada, waxay taasi adkeysay baa la yiri gelintaanka iyo ka bixi taanka xerada.
Gadoodka ciidan ee ay sameeyeen maleeshiyadan ka tirsan maamulka ashahaada la dirirka Puntland, ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmihii u dambeeyay iska soo daba dhacayeen cabashada ka imaanaysa saraakiisha iyo maleeshiyada maamulkaasi, kuwaas oo ka cabanayay mushaar la’aan iyo caafimaad darro ay wahahayaan muddo dheer.