Xiisado udhaxeeya maleeshiyaadka kooxda Riddadan iyo kuwa mucaaradka ayaa weli laga dareemayaa xaafado katirsan magaalada Muqdisho.
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa iska hor’imaadyo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhanka bari uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Iska hor’imaadyadan oo udhaxeeyay maleeshiyaad daacad u ah Xasan Gurguurte madaxweynaha kooxda Riddada iyo maleeshiyaad xiriir laleh kooxaha mucaaradka ayaa ka dhacay wadada xiriirisa Warsheekh iyo Muqdisho.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo deegaanka ah dagaalka ayaa salka ku hayay hub iyo gaadiid laga daabulay Muqdisho kunasii jeeday degmada Cadale iyo hareeraheeda.
Maleeshiyaadka Xasan Gurguurte ayaa doonayay in ay gacanta ku dhigaan hubka iyo gaadiidka mucaaradka balse uma suurtagelin waxayna dib ugu laabteen Muqdisho iyagoo meydad iyo dhaawacyo wata.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaad wata ku dhowaad 13 gaari tikniko ah ay gaareen deegaanka Caddoow Uul oo ku dhow degmada Cadale ee Sh/dhexe halkaas oo ay saldhigyo ka sameysteen.
Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee kooxda Riddada ayaa si kulul ubeeniyay in uu leeyahay milkiyadda gaadiid iyo hub ay saraakiisha kooxda Riddada soo bandhigeen ayna sheegeen in gurigiisa ay kasoo saareen.
arrintaas ayuu ku tilmaamay dacaayad isaga ka dhan ah wuxuuna eedaymo kulul ujeediyay madaxa kooxda Ridadada Soomaaliya.
Sidoo kale taliyaha ururka 31aad iyo guutada 3aad ee kooxda Ridada oo lagu magacaabo Abuukar ayaa sheegay in qaar kamid ah gaadiidkii shalay lasoo badhigay uu isagu lahaa islamarkaana lagala baxay gurigiisa arrinkan oo mugdi badan gelinaya in hubka lasoo bandhigay ay lahaayeen kooxaha mucaaradka ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xiisado colaadeed oo ka dhashay hubka dhigista ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Riddada ay taaganyihiin deegaanka Gubadleey ee magaalada Muqdisho.