Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Xabashida Itoobiya ayaa lasoo wariyey in mar kale ay weerarro duqaymo ah la beegsaday goobo ay ku sagnaayeen maleeshiyaadka mucaaradka ee kooxda TPLF ee gobolka Tigrey.
Sida ay wararku tibaaxayaan, weerarkan ayaa waaberigii hore ee isniintii shalay ka dhacay deggaanka Shererina ee gobolka Tigray, halkaas oo la sheegay in duqayntu aysan si toos ah u wada haleelin bartilmaameedyadii loogu talo-galay.
Inta la xaqiijiyey, ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa garabka millateriga ee maleeshiyaadka TPLF ayaa ku dhintay weerarkaasi oo noqonaya kii labaad ee noociisa ah ee ka dhaca gobolkan muddo ka yar saddex maalmood gudahood.
Sabtidii ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayd ee dowladda Xabashida Itoobiya ay duqaymo culus ka fuliyeen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka TPLF oo ka tirsan degmada Sheraro oo xadka Eretariya u jirta qiyaastii 6 km oo kaliya.
Ilaa hadda lama shaacin xaddiga khasaare ee ka dhashay weerarkii sabtida, inkastoo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ay xaqiijisay inuu ahaa mid aad u daran. Halka sarkaal ka tirsan kooxdanna uu ka sanqariyey in khasaare uu jiro, walow uu ka gaabsaday inuu faahfaahiyo.
Ilo-wareedyo ka tirsan gobolka ayaa soo tebiyey in weerarkaasi lagu burburiyey 5 baabuur oo ay lahaayeen garabka millateriga ee maleeshiyaadka TPLF, isla markaana ay ku basbeelleen dhowr baabuur oo kale oo iyaguna siday saanad millateri.
Weerarradan ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda ka aloosan gobolka Tirgey ay marayso meel xasaasiya isla markaana maamulkii deggaannadaasi ay xoog kula wareegtay kooxda TPLF, lagana cabsi-qabo in mar kale gobolkaasi uu dagaal xooggani ku dhex-maro ciidanka Xabashida Itoobiya iyo Jabhadda TPLF.