Kadib safar ay saraakiil sarsare oo katirsan dowladda Riddada Turkiga ay ku yimideen magaalada Muqdisho ayay kulamo la qaateen kooxaha mucaaradka ku ah xukuumadda Xasan Gurguurte.
Saacadihii lasoo dhaafay meel ku dhow xerada Xalane waxaa ka dhacayay shirar udhaxeeya xubno katirsan mucaaradka labaxay golaha Mustaqbalka iyo taliye ku xigeenka sirdoonka xukuumadda dabadhilifkaTurkiga.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in mucaaradku ay wafdiga Turkida ugudbiyeen ashtako ah in saldhigga Turkiga ee Muqdisho uu si indha la’aan ah utaageerayo kooxda Riddada Soomaaliya islamarkaana hub iyo gaadiid loo adeegsaday dagaalladii maalmo ka hor Muqdisho dhacay uu Turkigu lahaa.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ninka lagu magacaabo Hakaan Faydaan ayaa ku dhawaaqay in bedelay safiirkii Ankara ufadhiyay magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in labedelay Alper Aktaş oo ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya waxaana lasoo magacaabay Ferhat Alkan oo Turkiga ufadhin doono magaalada Muqdisho.
Safiirka cusub ee Turkiga ayaa horay usoo hoggaamiyay safaaradaha dalkiisa ee dalal ay kamid yihiin Musanbiig,Liibiya iyo Ciraaq.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan Xasan Gurguurte ay dowladda Turkiga uga dacwoodeen safiirkii hore oo ay ku sifeeyeen mid aan dhax dhaxaad ka aheyn siyaasadda Soomaaliya.
Bilihii lasoo dhaafay ayay dowladda Turkiga waxay galaangal weyn ku dhaxlaheyd kooxda Riddada Soomaaliya heer ay gaartay in ay toos awaamirta siyaasadeed iyo kuwa amni usiiso Xasan Gurguurte.
Dowladda Riddada Turkiga ayaa qeyb ka ah duullaanka garadarrada ah ee lagusoo qaaday Soomaaliya, Turkiga wuxuu Muqdisho ku leeyahay saldhig weyn oo laga abaabulo howlgallada Melleteri iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn kuwaas oo xasuuq ugeysta shacabka Soomaaliyeed.