Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Iiraan Iyo Maraykanka Oo Is-weydaarsaday Weerarro Duqaymo Ah.
  • Allposts
  • Warar

Iiraan Iyo Maraykanka Oo Is-weydaarsaday Weerarro Duqaymo Ah.

June 10, 2026

Ciidamada ayaa waaberigii hore ee saaka weerarro ba’an kula jarmaaday saldhig uu Mareykanku ku leeyahay waddanka Urdun iyo 21 bartilmaameed oo kale oo ku kala yaalla saldhigyo cirka iyo badda ah oo Mareykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka.

Weerarradan oo taliska millateriga Ilaalada Kacaanka Iiran uu sheegay in loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada riddada dheer, ayaa lagu tilmaamay aargoosi ka dhan ah duqaymo xalay uu Maraykanku ka fuliyey gudaha waddanka Iiraan.

Ilo ciidan oo dhinaca Iiraan ah ayaa sheegay in qiimeyn hordhac ah oo lagu sameeyay weerarradan saaka ay muujinayso in qiyaastii 70% bartilmaameedyadii la qorsheeyay si sax ah loo gaaray, kadib markii diyaaradaha Drones-ka iyo gantaallada riddada dheer-ba ay si guul leh uga gudbeen nidaamyada difaaca ee saldhigyada Mareykanka, khasaare culus-na ka geysteen goobahaasi.

Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in bartilmaameedyada ay beegsadeen ay ka mid yihiin hangarro ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee F-35 iyo xarun talis. Waxaanay Urdun ay xaqiijisay in uu jiro burbur ka dhashay weerarradan ay fulisay Iran.

Mas’uuliyiin u hadlay waddamo ay ka mid yihiin Urdun, Baxreyn, iyo Kuweyt ayaa qiray weerarrada Iran ka geysatay gudaha dalalkaasi, iyadoo dhanka kale Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ku ka gaabsatay inay wax faallo ah ka bixiso jawaabta Iiraan, mar ay warbaahinta Reuters wax ka waydiisay arrintan kasoo cusboonaatay bariga dhexe.

Weerarradan ay qaadday saacadihii lasoo dhaafay ayaa yimid kadib markii millateriga Mareykanku sheegay inuu bartilmaameedsaday difaacyada cirka ee Iiraan, xarumaha hagista dhulka iyo goobaha raadaarka kormeerka ee ku dhow marin-biyoodka Hormuz.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in tallaabadan ay ciidamadiisu qaadeen ay jawaab u tahay, mid ka mida diyaaradaha dagaalka ee dowladda Maraykanka gaar ahaan nooca qummaatiga u kaca ee Helcopter-ka, oo talaadadii ku burburtay agagaarka marinka Hormuz, taas oo Trump uu sheegay in Iraan ay soo ridday.

Iran oo ka hadashay arrintan ayaa si cad u beenisay inay wax lug ah ku lahayd soo-ridista diyaaraddaasi, waxaanay ku tilmaameen marmarsiiyo uu Maraykanku food-saaro uga dhiganayo weerarrada gardarrada ah ee saacadihii lasoo dhaafay uu ka fuliyey gudaha waddanka Iiraan.

Ilaalada Kacaanka Iran waxay si adag ugu digeen Maraykanka. Sidoo kale taliska guud ee ciidamada Iiraan ayaa ku hanjabay in haddii Washinton fuliso weerarro kale, ay iyaguna qaadi doonaan hawl-gallo culus oo ka ballaaran kuwii hore, isla markaana ay beegsan doonaan liiska bartilmaameedyo horey loo qorsheeyey oo ku yaalla gudaha gobolka.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka oo u muuqda inay u adkaysan kari waayeen dhirbaaxada kulul ee Iran ayaa ku dhawaaqay inay soo gabo-gabeeyeen weerarradii duqaymaha ahaa ee xalay ka geysteen gudaha waddanka Iran, kuwaas oo la sheegay inay socdeen muddo ku dhow 4 saacadood oo xiriir ah.

Geesta kale, Suuqa shidaalka adduunka ayaa durba ka falceliyay xiisaddan cakiran ee saacadihii lasoo dhaafay kasoo cusboonaatay dagaalka bariga dhexe, waxaana isla markiiba la dareemay koru-kac ku yimid qiimaha shidaalka.

Si kastaba ha ahaatee, weerarradan u dambeeyey waxay sii adkeyn karaan ayaa la leeyahay dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo heshiis nabadeed oo lagu soo afjaro dagaalka ballaaran ee Bariga Dhexe isla markaana dib loogu furo marin-biyoodka Hormuz.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -24-Dulxijah-1447-Hijri
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -24-12-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-02-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-02-1448-Hijri

July 29, 2026
Itoobiya Oo Markale Gaashaanka U Daruurtay Eedaymo Uga Yimid Masar.
  • Allposts
  • Warar

Itoobiya Oo Markale Gaashaanka U Daruurtay Eedaymo Uga Yimid Masar.

July 29, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -15-02-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -15-02-1448 Hijri.

July 29, 2026

Sawirro

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada