Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in la dilay ugu yaraan 12 qof oo Koonfur Afrikaan ah, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerareen guryo la degganyahay.
Kooxda weerarka qaadday oo lagu qiyaasay 10 ruux oo qoryo ku hubeysan ayaa weeraray dad deegaan ah oo ku sugnaa xaafadda Cleveland ee ka tirsan magaalada Johannesburg iyo deegaanka Jumpers oo ay degganyihiin dad sabool ah.
Ugu yaraan 12 ruux oo sagaal ka mid ah ragyihiin ayaa la xaqiijiyay in kooxda oo lagu tilmaamay inay yihiin burcadda macdanta ku dileen labada deegaan, 3 ka mid ah dadka la dilay na waa dumar.
Sagaal qof oo kale ayaa la wariyay inay dhaawaceen kooxdan, kuwaas oo la dhigay cisbitaalo kala duwan oo kuyaal magaalada.
Booliisku waxay sheegeen inay wadaan baaritaanno ku saabsan weerarka, waxaase lasoo wariyay inay baxsadeen kooxda burcadda ah, weerarkan ayaana dhacay 9-ka bishan June.