Dowladda Masar ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo hawl-geliyo Golaha Dalalka Carabta iyo Afrika ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo sheegtay in uu muhiim u yahay amniga wadajirka ah iyo xasilloonida gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Masar, Badar Cabdul-Caati, ayaa baaqan soo jeediyey kaddib shir jaraa’id oo ay shalay magaalada Qaahira si wadajir ah ugu qabteen isaga iyo dhiggiisa dalka Eritrea, Cusmaan Saalax.
Golaha Dowladaha Carabta iyo Afrika ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar uu ku tilmaamay mid ka mid ah tiirarka aasaasiga ah ee lagu xoojin karo xasilloonida gobolka.
Intii lagu jiray shirka jaraa’id, Cabdul-Caati, waxa uu ka sanqariyey in marxaladda hadda lagu jiro ay u baahan tahay dejinta qorsheyaal cad oo la xiriira amniga wadajirka ah, oo ay ugu horreyso dib u soo nooleynta Golaha Badda Cas.
Golaha Badda Cas waa urur goboleed la aasaasay 2020 oo lagu sheegay inuu xoojinayo amniga wadajirka ah, diiraddana saarayo sugidda badqabka maraakiibta, iskaashiga siyaasadda iyo dhaqaalaha ee dalalka ku teedsan mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida.
Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa lagu aasaasay Golaha Dowladaha Carabta iyo Afrika ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kaas oo ka kooban dalalka Sacuudiga, Masar, Urdun, Yemen, Suudaan, Erateriya, Soomaaliya iyo Jabuuti.
Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, ayaa Isniintii Qaahira ku qaabilay Madaxweynaha Erateriya iyo wafdi uu hoggaaminayay oo booqasho rasmi ah ku tegay dalkaas. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha ka jira Geeska Afrika, xoojinta iskaashiga labada dal, amniga Badda Cas iyo xorriyadda isu-socodka maraakiibta.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Masar, Cabdul-Caati oo arbacadii la kulmay dhiggiisa Erateriya, ayay ka wada-hadleen siyaabaha loo xoojin karo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal iyo isku dubbaridka mowqifyada ku aaddan arrimaha dan-wadaagta ah.
Tamim Khallaf, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, ayaa sheegay in Cabdul-Caati uu adkeeyey taageerada buuxda ee Masar ay u hayso Eriteriya si loo ilaaliyo madaxbannaanideeda, midnimadeeda iyo dhawrsanaanta dhulkeeda.
Marka laga hadlayo amniga Badda Cas, labada wasiir ayaa, sida lagu sheegay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxay si wada-jir ah ugu nuuxnuuxsadeen in amniga iyo maareynta Badda Cas ay yihiin masuuliyad u gaar ah dalalka ku teedsan.
Waxay caddeeyeen inay si buuxda uga soo hor-jeedaan isku-day kasta oo ay sameeyaan dhinacyo aan ku teedsanayn Badda Cas si ay door ama saameyn uga yeeshaan arrimaha la xiriira amniga iyo maareynta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Sanadihii u dambeeyey, Masar iyo Erateriya waxay sii xoojiyeen iskaashigooda, iyadoo ay ka mideysan yihiin walaacyo iyo khilaafyo la xiriira Itoobiya, gaar ahaan arrinta Biyo-xireenka Al-Nahda iyo xiisadaha sii laba-laxaadsanaya ee u dhexeeya Asmara iyo Addis Ababa.