Madaxweynaha maamulka ashahaada la dirirka Somaliland, murtad Cabdiraxmaan Cirro, ayaa la shaaciyay in uu dhowaan u safri doono deegaannada xoogga lagu dajiyay dadka Yahuudda ee Falastiin.
Warbaahinta I24 News oo ka mid ah warbaahinnada taabacsan maamulka gumeystaha ayaa sheegay in 14-ka bishan June, murtad Cabdiraxmaan Cirro la geyn doono magaalada barakaysan ee Qudus, si gaar ahna loogu sii gudbin doono laguna soo dhawayn doono xarun Yahuuddu leedahay oo kutaal galbeedka Qudus.
Waxay intaas ku dartay in booqashada Cirro ay ku jirto dalxiis lagu gayn doono matxaf kuyaal xarunta oo lagu magacaabo Yad Vashem, wuxuuna halkaas kaga qayb geli doonaa munaasabad xus ah oo lagu qaban doono hoolka Xusuusta ee xaruntaasi sida warbixinta lagu sheegay.
Dani Dayan, oo ah guddoomiyaha Yad Vashem, ayaa la sheegay in uu Cabdiraxmaan Cirro maalin ka dib booqashadan ku wehlin doono.