Markii ugu horraysay hoggaamiyaha kooxda Riddada Soomaaliya ayaa ka hadlay iska hor’imaadyadii maleeshiyaadkiisa iyo maleeshiyaadka mucaaradka ku dhaxmaray xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.
Isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayuu iska hor’imaadyadii saacadaha badan qaatay ee Muqdisho ka dhacay ku sifeeyay shaqaaqo yar balse wuxuu qiray xajmiga saameynta dagaalladaasi caalami ahaan.
Xasan Gurguurte ayaa qiray in waxa loogu yeero beesha caalamka oo uu ula jeedo gaalada ay iska hor’imaadyadaas u arkaan kuwa halis ah oo muujinayay siyaasadda dabadhilifnimada ku dhisan ay weli tahay mid nugul.
Kooxaha mucaaradka ayuu ku eedeeyay in ay buunbuuniyeen dagaalladii Muqdisho iyagoo muuqaallo ka sameeyay kadibna Internetka ku faafiyay.
Mar uu ka hadlayay saameynta ay arrimahan ku yeesheen kooxda Riddada ayuu ku nuux nuuxsaday in lacago boqolaal milyan oo dollar ah dhankooda uga baaqdeen iska hor’imaadyadaas aawgeed.
Xasan Gurguurte oo muddu xileedkiisa kooxda Riddada uu ku ekaa 15-kii bishii lasoo dhaafay ee May ayaa dhax muquuranayay qulqulatooyin siyaasadeed isagoona isku dayaya in uu awood ciidan ku muquuniyo kooxaha mucaaradka ah.