Faahfaahin dheeraad ah, ayaa laga helayaa khasaaraha maleeshiyaadka murtadiinta Bangarafta lagu gaarsiiyay dagaallo culus oo ka dhacay inta u dhaxaysa Buulo Mareer iyo Kurtunwaareey ee wilaayada Sh/hoose, khasaaraha dhimasho ayaa gaaray 10 murtadiin ah, waxaana lagu dhaawacay 3 kale, sidoo kale burbur xoogan uu soo gaaray gaari Cabdi bile ah oo ay wateen murtadiinta.
Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala isla Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay madaafiic culus ku garaaceen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Buulo Mareer, lama soo werin xog intaas ka baxsan oo ku aaddan howlgalka, maadaama uu weerarku dhacay xilli habeen ah.
Geesta kale, laba qarax oo ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Bardaale ee wilaayada Baay, ayaa lala eegtay guryo ay degganyihiin laba sarkaal oo ka tirsan maamulka Riddada ee degmadaasi, waxaana ku dhaawacmay qaraxyadaasi hal askari oo murtad ah.