Ugu yaraan 28 qof ayaa lasoo wariyey inay ku dhinteen shil baabuur oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka deggaan ka tirsan gobolka Amxaarada ee waqooyiga Itoobiya.
Sida ay wararku tibaaxayaan shilkan ayaa dhacay kadib bas rakaab ah oo ka soo kicitimay magaalada Dessie kuna socday caasimadda Addis Abeba uu ka baxay wadada.
Xogta ayaa intaas ku dartay in kadib markii uu gaarigu ka baxay jidka uu ku dhacay god dheer oo ku yaalla wadada Harego ee u dhaxaysa magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.
Shilkan oo dhacay saaka oo Isniin ah, ayaa sidoo kale sababay dhaawacyo soo gaaray dhowr oo rakaab ah, iyadoo qaar ka mid ah la sheegay inay qabaan dhaawacyo halis ah.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in godka uu gaarigu ku dhacay ay qotodiisu ku dhow dahay ilaa 100 mitir, waxaana jira burbur xooggan oo gaaray gaarigan uu shilku haleelay.
Shilalka baabuurta ee ka dhaca gudaha Itoobiya ayaa aad u fara badan, iyadoo inta badan loo aaneeyo jidadka oo liita iyo dayactir la’aan baaxad leh oo jirta.