Wasiirka warfaafinta maamulka Riddada Galmudug, Cali Maxamuud Seeko, ayaa warsaxaafadeed uu akhrinayay eedayn culus ugu jeediyay guddiga doorashada ee kooxda Riddada Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in guddoomiyaha guddigaasi, Cabdikariim Axmed Xasan uu ka qayb-galay olole loo sameynayay musharax ay wadato kooxda Gurguurte oo u taagan xilka madaxtinnimo ee maamulka ashahaada la dirirka Galmudug.
Wuxuu sheegay inuusan maamulkiisa marnaba aqbali Karin guddi doorasho oo qayb ka ah olole xisbi ama musharrax gaar ah, wuxuu intaas ku daray inay u baahanyihiin guddi doorasho oo madax bannaan oo aan dhinac u rarnayn.
Wasiirka warfaafinta maamulka Riddada ee fadhigiisu yahay Dhuusamareeb, ayaa sidoo kale sheegay in doorashada ku dhici karto oo kaliya in la helo guddi lagu kalsoon yahay oo ka madax bannaan dano siyaasadeed sida uu hadalka u dhigay.
Warkan kasoo yeeray maamulka Qoorqoor, ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Xasan Gurguurte ay wado kulamo ka dhan ah madaxda hadda talada haysa ee Galmudug, horay na loo sheegay inay maamulkaasi u xulatay musharrax saaxiib dhow la ah madaxa Villa Soomaaliya.