Murtad Axmed-madoobe oo ah madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Jubbaland ayaa eedaymo culus u jeediyey kooxda riddada Soomaaliya ee gar-wadeenka uu ka yahay murtad Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu sheegay in murtad Gurguurte iyo kooxdiisu ay xad-gudub xooggan ku hayaan shacabka ku dhaqan deggaannada Jubbaland, gaar ahaan degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Waxa kale oo uu ka sanqariyey in Xasan Sheekh Maxamuud uu adeegsanayo ciqaab-wadareed ka dhan ah shacabka, deggaannadaasi kusoo rogay xannibaad dhinaca hawada ah.
Murtad Axmed-madoobe waxa uu carrabka ku dhuftay in aanu garanayn sabab ay shacabka Jubbaland u mutaysteen ciqaabtaasi jamaaciga ah. Isagoo xusay in xattaa bukkaannada iyo dumarka foosha ahi ay halis ugu jiraan xayiraadddaasi uu soo rogay murtad Gurguurte.
Intii Axmed-madoobe uu ku gudo-jiray hadalkiisa, waxa kale oo uu si weyn uga dayriyey masiirka riddada Soomaaliya oo uu sheegay in haatan ay marayso marxaladdii ugu xumayd isla markaana ay qarka u saaran tahay burbur iyo in lagu kala tago.
Waxa kale oo Axmed-madoobe uu mas’uuliyad-darro ku eedeeyey kooxda Gurguurte, isagoo tilmaamay in xayiraaddii hubka ee laga qaaday riddada ay faa’iido u noqotay Mujaahidiinta Al-Shabaab, maadaama ayuu yiri, wixii hub ah ee ay mujaahidiintu u baahdaan, ay ka furtaan maleeshiyaadka riddada.
Eedahan uu soo jeediyey Axmed-madoobe ayaa imanaya xilli khilaafka siyaasadeed ee kooxda riddada iyo mucaaradka uu maraayo halkii ugu xumayd, kadib markii Gurguurte uu diidday inuu banneeyo kursiga, muddo-xileedkiisa oo dhammaadayna uu ku darsaday muddo hal sano ah.