Xilli uu meel sare gaaray khilaafka udhaxeeya dowladaha Masar iyo itoobiya ee ku saabsan qeybsiga biyaha webiga Niil ayay dowladda Mareykanka eedaymo culus ujeedisay xukuumadda Addis Ababa.
Donald Trump madaxweynaha dowladda Mareykanka ayaa Ioobiya ku eedeeyay in ay halis gelinayso nolosha malaayiin qof Masaari ah kadib markii ay biya xireen weyn ka duldhistay webiga Niil.
Isagoo magaalada Paris ee dalka Faransiiska kulan kula qaadanayay Cabdifataax Alsiisi hoggaamiyaha dabadhilifka Masar ayuu Trump sheegay in Itoobiya ay sameysay wax uu ku tilmaamay nacasnimo kadib markii ay halis gelisay Masar.
“Biya xireenka Alnahda dhibaatooyin waaweyn ayuu usababay Masar biyaha webiga Niilna waxay bilaabeen in ay sii yaraadaan,runtii waxa ay madaxda Itoobiya sameeyeen waa nacasnimo”ayuu yiri Donald Trump.
Hoggaamiyaha dowladda saliibiyadda Mareykanka ayaa intaas ku daray in muddo xileedkiisi hore uu isku dayay in uu faragelin ku sameeyo biya xireenka Alnahda balse arrinkaas uu meesha ka baxay markii lagu shubtay doorashadii mareykanka sida uu ku dooday.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sanaddii 2025 ku dhawaaqday in ay dhammeystiray biya xireenka Al Nahda halka Al Qaahira ay joojisay dhammaan wadahadalladii kala dhaxeeyay Addis Ababa.
Labadan dowladood ayaa si aad ah ugu loollamaya awoodaha geeska Afrika wuxuuna khilaafka ka dhaxeeya gaaray meeshii ugu sarraysay.