Madaxa maamulka daba-dhilifka Somaliland C/Raxmaan-Cirro oo weli booqasho ku jooga dhulka Falastiin ee ku hoos-jira gemysiga Yahuudda, ayaa ka hadlay wararka la xiriira saldhigga millateri ee Yahuuddu ku leedahay Somaliland iyo duullimaadyo isku xiraya Hargeysa iyo Talaabiib.
Waraysi Cirro uu siiyey telefishanka Yahuudda ee lagu magacaabo i24 News, ayuu ku sheegay in wakhti-xaadirkan uusan jirin saldhig millateri oo Yahuuddu ku leedahay gudaha Somaliland, balse qorshahaasi uu mustaqbalka yahay mid aan la baciidsan karin.
Murtad Cirro waxa uu waraysigan markii ugu horreysay si cad ugu muujiyey in uu diyaar u yahay in maamulka Yahuuddu uu saldhigyo millateri ka samaysato gudaha deggaannada uu ka arrimiyo maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
Iyadoo ay horey u soo baxeen warar sheegayay in saldhig ku yaal gudaha Somaliland uu ka mid ahaa saldhigyo ka qayb-qaatay weerarro ay Yahuuddu ku qaadday Iiraan, ayuu Cirro ka sanqariyey inay diyaar u yihiin iska difaacidda weerar kasta oo kaga yimaadda Iiraan ama Xuutiyiinta Yemen.
Wasiirka Difaaca Yahuudda, ayaa xaqiijiyey in ay jireen hawl-gallo qarsoodiya oo ay iska kaashadeen maamulka Somaliland oo sanado badan ay ka fulinayeen gudaha deggaannada dhaca gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya.
Intii waraysigani socday, waxa kale oo Cirro uu carrabka ku dhuftay in ay jiri doonaan duullimaadyo u dhaxeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Talaabiib, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan u bilaaban doonaan, taas oo uu tilmaamay inay meesha ka saari doonto caqabad ka haysatay dhinaca fiisaha.
Hadalka murtadkan ayaa imanaya iyadoo horeyba loo xaqiijiyey xogta sheegaysa in maamulka Yahuuddu uu saldhigyo millateri oo hawl-gal ah ka samaystay gudaha deggaanada Somaliland, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.