Wararka ka imanaya gobolka Nugaal ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya iska hor-imaad hubaysan oo galabnimadii shalay labo maleeshiyo ku dhex-maray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland.
Iska hor’imaadkan ayaa bilowday kadib markii maleeshiyaadka madaxa maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ay is-hortaag ku sameeyeen gaadiid dagaal oo galbinaysay siyaasi gacan-saar la leh kooxda Villa Soomaaliya, oo lagu magacaabo Maxamuud Mashruuc.
Siyaasigan oo la-taliye u ah Xasan Gurguurte iyo sidoo kale siyaasiyiin kale oo la sheegay inay la socdeen ayaa loo diiday inay gudaha galaan Garoowe iyaga oo hubaysan, kadib markii ay kasoo kicitimeen magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo ee gobolka Bari.
Israsaasaynta dhex-martay labada maleeshiyo ayay wararku tibaaxayaan inay sababtay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray dhowr askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka daacadda u ah Maxamuud Mashruuc, kaas oo si adag uga soo hor-jeeda siyaasadda Saciid Cabdullaahi Deni.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas xooggan laga maqlay koontaroolka bari ee Garoowe, waxaana dadka qaar ay xaqiijiyeen in qaar ka mid ah guryahaya ku yaalla agagaarka kantaroolka ay rasaastu soo gaartay, taas oo cabsi xooggan ku abuurtay shacabka deegaanka.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli siyaasiyiin ku dhow Villa Soomaaliya isla markaana mucaaradsan siyaasadda Deni ay maalmihii lasoo dhaafay gaareen magaalada Garoowe, taas oo sare u qaadday feejignaanta amniga ee Puntland.
Ilo amni ayaa sheegay in Puntland ay maleeshiyaad badan geysay kantaroollada magaalooyinka, iyadoo laga cabsi qabo in Garoowe ay soo galaan maleeshiyo cusub oo daacad u ah Gurguurte, kuwaas oo la sheegay in qaarkood laga keenay gobollada Mudug iyo Bari.
Dhawaan ayay ahayd markii maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland uu soo saaray amar mamnuucaya in askarta aan ka tirsanayn hay’adaha rasmiga ah ee amniga ay hub ku dhex qaataan gudaha deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Garoowe.