Homeland Security Today, oo ah warbaahin fadhigeedu yahay Maraykanka, kana faalloota arrimaha amniga, sirdoonka iyo waxa loogu yeero argagaixisada, ayaa sheegtay in duqaymaha bahalnimada ah ee Maraykanka iyo xulafadiisu ka fuliyaan Soomaaliya aysan ahayn kuwo guul millateri kasoo hoyn kara Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Sanadkii hore ee 2025 ayay warbixintu xustay in Mareykanku uu ka fuliyey Soomaaliya duqeymihii ugu badnaa, halka sanadkan lagu jiro ee 2026-na uu weli sii wado, iyadoo ilaa hadda aysan jirin ayay tiri warbixintu, natiijo wax-ku-ool ah oo laga gaaray, maadaama mujaahidiintu ay la qabsadeen duqaymahaasi.
Warbixintu waxay dhanka kalena ka qaylo-dhaamisay kalimaddii uu afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage uu jeediyey ciiddii Carafo, taas oo uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin duullaanka saliibiga ah ee Maraykanka iyo xulafadiisu kusoo qaadeen waddanka Soomaaliya.
Homeland Security Today, waxay arrin halis ah ku tilmaantay in afhayeenka mujaahidiintu uu ka hadlo tooshkana ku iftiimiyo xasuuqqa ka dhanka ah shacabka ee diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Turkigu ka wadaan Soomaaliya.
Sidoo kale, boobka uu Turkigu ku hayo khayraadka Soomaaliya ayay warbixintu xustay inay ka mid ahaayeen qodobadii afhyeenka mujaahidiintu uu ka hadlay kuna baraarujiyey bulshada Soomaaliyeed, arrintaas oo warbixintu ay mar kale ka muujisay walaac xooggan.
Kalimaadka baraarujinta ah ee mujaahidiintu ay u gudbinayaan shacabka Soomaaliyeed ayay warbixintu ka dhawaajisay inay khatar ku yihiin danaha Maraykanka iyo xulafadiisa, sidaas daraadeed waa in laga shaqeeyaa ayay tiri sidii aysan mar dambe farriimaha mujaahidiintu u gaari lahayn bulshada dhexdeeda.
“Washington waa inay garowsataa in cadaadiska militari keliya aanu ahayn istaraatiijiyad horseedi karta guul waarta. Waa in la abuuro jawi siyaasadeed oo aysan farriintoodu mar dambe saamayn ku yeelan karin bulshada…” ayaa lagu yiri warbixinta.
Si kastaba ha ahaatee, qaylo-dhaantan kasoo yeeraysa dhinaca Maraykanka waa mid muujinaysa sida ay mujaahidiintu af iyo addinba gaashaanka ugu daruureen madaxyo-weynta gaallada ee duullaanka saliibiga ah kusoo qaadday dalka Soomaaliya.