Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa arbacadii shalay soo saaray digniin adag oo ka dhan ah dardargelinta ajandayaasha dhagaraysan ee Kiyaanka Yahaauuddu uu ka wado deggaannada waqooyiga Soomaaliya ee hoos-taga maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
Madaxa maamulka Hargeysa, murtad Cirro ayay ku eedeeyeen khiyaano qaran iyo inuu ka shaqeynayo sidii magaalooyin istaraatiiji ah sida Hargeysa iyo Berbera loogu beddeli lahaa xarumo saameyn iyo goobo hawlgallo oo u adeegaya danaha Yahuudda.
Cabdulwaaxid Abuu Raas, oo maamulka Xuutiyiinta ee fadhigiisu yahay Sanca ugu magacaaban Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ayaa war uu siiyay wakaaladda wararka ee Saba, ku sheegay in mashruucan halista ahi uu khatar ku yahay amniga qaranka ee gobolka oo dhan, isla markaana uu gobolka u jiidi karo colaad ba’an oo masiibo leh.
Abuu Raas wuxuu carrabka ku adkeeyay in amniga Yemen iyo kan gobolka uu yahay xariiq cas, taas oo ka dhigan in wixii fara-gelin ah ay jawaab adag ka bixin doonaan, isaga oo xusay in Yemen ay leedahay rabitaan iyo awood ay ku difaacdo amnigeeda istaraatiijiga ah.
Intii Abu Raas uu hadalkiis ku gudo-jiray waxa uu dhanka kalena ugu baaqay dhammaan Soomaalida iyo dalalka gobolka inay feejignaadaan oo aan lagu sirmin ballanqaadyo been ah, si looga hortago mashruucan Sahyuu-saliibiga ah.
Hadalkan ayaa imanaya xilli maamullada Talaabiib iyo Hargeysa ay dhawaan kala saxiixdeen heshiisyo dhagaraysan oo Yahuuddu damacsan tahay inay kula wareegto deggaannada uu ka arrimiyo maamulka daba-dhilifka ah ee Somaliland.