Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya howlgal qarax ah oo ciidamada Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gudaha degmada Jowhar ee wilaayada Sh/dhexe, kaasi oo lala beegsaday gaari uu watay guddoomiye ku xigeenka maamulka Riddada ee degmada Jowhar.
Xogta soo korodhay waxay xaqiijinaysaa in qaraxa ka dhacay degmada Jowhar uu ku dhintay askari murtad ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cumar, kaasi oo ka mid ahaa ilaa afar askari oo ka mid ah ilaalada guddoomiye ku xigeenka Jowhar ee la qarxiyay, murtadkan ayaana u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.