Dhul-gariir aad u xooggan ayaa ka dhacay meel dhanka galbeed kaga beegan magaalada Caracas ee caasimadda dalka Venezuela, halkaas oo laga soo tebinayo khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Dhulgariirka koowaad oo cabirkiisa lagu sheegay 7.2 ayaa ka dhacay magaalada La Guaira ee galbeedka ka xigta caasimadda, halka kan 2-aad oo cabirkiisu ahaa 7.5 uu isla aaggaasi ka dhacay ilbiriqyo gudahood.
Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalkaasi, waxay sheegtay in dhulgariirrada is xig-xigay ay ku dhinteen ugu yaraan 164 qof, halka ay ku dhaawacmeen 971 qof, sidoo kalena ay burbureen dhismeyaal badan oo la degganaa.
Dowladda Fanazuweella waxay xirtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee kuyaal caasimadda Caracas, sidoo kale korontada iyo isgaarsiinta ayaa go’ay meelo badan oo ka mid ah magaalooyinka uu dhulgariirku saameeyay.
Warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah waxay sheegayaan in uu kordhi karo khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dhulgariirka, waxa khasaaraha badinaya ayaa la sheegay inay tahay dadka oo itooda badan guryaha ku sugnaa.
Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa ku howlan samatabixinta xaaladda, halka dowlad kale ay balan qaadeen inay gurmad u fidin doonaan hay’adaha maxalliga ah ee la tacaalaya musiibadan.