Kadib guluf dhan walba ah oo ay kooxda Riddada Soomaaliya ku qaaday maamulka isku magacaabay Galmudug ayay ugu dambeyn ku guuleysatay in ay meesha ka saarto hoggaamiyihii maamulkaasi.
Axmed Kaariye Qoorqoor oo ah hoggaamiyaha maamulka fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay in uu isaga haray tartanka doorashooyin ku sheegyada ay kooxda Riddadu ka abaabulayso deegaanno katirsan gobollada Mudug iyo Galguduud booskana uu ubaneeyay Liibaan Shuluq oo Xasan Gurguurte larabo hoggaaminta maamulkan.
Kadib munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayuu Qoorqoor ku qiray in ay ku horgudbanaayeen caqabado waaweyn uuna ka baaqsaday dagaalka sida uu hadalka udhigay, markii uu isdhiibiddan siyaasadeed ku dhawaaqayay waxaa hareer fadhiyay Xamza Cabdi Barre iyo Mahad Salaad oo maalmahan dhuusamareeb ujoogay gorgortan lacageed oo uu qoorqoor isku iibsanayay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hoggaamiyaha maamulka Ashahaadda ladirirka Galmudug uu aqbalay in lasiiyo lacago dhowr milyan oo dollar ah islamarkaana gacan yaraashiisa xilal lagasiiyo kooxda Riddada isaguna uu isaga harayo hardanka.
Axmed Qoorqoor ayaa qaadday dhabbihii uu horay uqaaday Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo sidaan oo kale 8 sano ka hor lacago looga bedeshay xilka hoggaamiyaha maamulka ashahaadda ladirirka Galmudug xilligii uu Farmaajo hoggaminayay kooxda Riddada.
Bilihii lasoo dhaafay ayuu Xasan Gurguurte kumanaan kun oo askari ku daabulayay deegaanno katirsan gobolka Galguduud si uu cadaadis usaaro Qoorqoorka hadda isdhiibay.