Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Jibriil Cabdirashiid oo Arbacdii kasoo kicitimay magaalada Muqdisho kana degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Nairobi, ayaa laga soo celiyay halkaasi.
Warbaahinta Kenya oo soo xiganaysa saraakiil dowladeed, ayaa sheegtay in Jibriil Cabdirashiid uu 24-kii bishan ka degay garoonka Joma Kenyata, waxay sheegeen in uu ku safrayay Baasaboor Diblumaasi ah iyo dal-kugal sax ah, balse sidoo kale lagu tuhmay Baasaboor kale.
Saraakiisha laanta socdaalka, ayaa ogaaday in uu wato Baasaboor Kenya ah oo ay ku sheegeen in uu yahay mid sharci daro ah, waxay ku amreen inuu soo wareejiyo, balse ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee kooxda Riddada ayaa ka biya diiday soo wareejinta dokumentigaasi, wuxuuna sheegay in uu kaliya kusoo bandhigi karo maxkamad.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Jibriil Cabdirashid Xaaji uu qirtay haysashada Baasaboorka Kenya, waxaana lasoo wariyay in lagu xannibay qol VIP ah oo kuyaal garoonka, halkaas oo baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyay, ka dibna halkaas laga sii saaray diyaarad kusoo jeedday magaalada Muqdisho.
Kenya iyo kooxda Riddada, labaduba midna si rasmi ah ugama hadlin dhacdadaan, wallow sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya uu xaqiijiyay in la masaafuriyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka kooxda Riddada Soomaaliya.
Warbaahinta Kenya, oo soo xiganaysa mas’uul sare oo Kenyan ah, ayaa sheegtay in dowladda Kenya ka walaacsan tahay tirada sii kordhaysa ee dadka ajaanibta ah ee sida sharci darrada ku helaya baasaboorrada Kenya, kuwaas oo maraya ayay tiri shabakado musuqmaasuq ah.
Saraakiisha Kenya, waxay sheegeen in uu socdo baaritaanno lagu sameynayo sida loo helay Baasaboorka sharci darrada ah ee uu watay hoggaamiyihii kumeel gaarka ahaa ee maamulka ashahaada la dirirka Koonfur-galbeed, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee kooxda Riddada, waxayna tani u muuqataa cadaadis dhanka dibadda ah oo ay wajahayaan shakhsiyaadka ku dhow Gurguurte.
Waxay tani kusoo beegmaysaa xilli Midowga Yurub uu si kumeel gaar ah u joojiyay dal-kugalkii ama Fiisihii lasiin jiray dadka Soomaalida ah ee doonaya in ay usafraan waddamada qaaradda Yurub.