War rasmi ah oo kasoo baxay mid kamida hay’adaha ammaanka dowladda saliibiyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in loosoo gacan geliyay muwaadin Soomaaliyeed oo ay in mudda ah ku daba jirtay kaasi oo ku sugnaa gudaha dalka.
FBI-da Mareykanka ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in ay gacanta kusoo dhigtay nin lagu magacaabo Cabdikariin Cabdullaahi Iidle kaasi oo sanado ka hor isagasoo guuray Mareykanka kuna laabtay dalkiisa hooyo gaar ahaan Muqdisho.
Xukuumadda Washington waxay ku faantay in falkan afduubka ee lagusoo qabtay Cabdikariin Iidle ay mas’uul ka ahaayeen maleeshiyaadka ashahaadda ladirirka ah ee loo yaqaan Nabad Sugidda ee hoostaga kooxda Riddada balse ay reergalbeedku maalgeliyaan una adeegsadaan ladagaallanka muslimiinta soomaaliyeed.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerar isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho ay maleeshiyaadka ashahaadda ladirirka kooxda Riddada ay udhaceen guriga dhibanaha kadibna waxay geeyeen xerada Xalane oo ay ku taal safaaradda Mareykanka.
Cabdullaahi Iidle ayay Mareykanku ku eedeeyeen in uu ku lug lahaaday falal musuq maasuq iyo xatooyo maaliyadeed ah eeddaas oo ah mid ladoonayo in lagu banneysto xadgudubkan ka dhanka ah muwaadinka Soomaaliyeed.
Ehelka dhibanaha oo warbaahinta lahadlay ayaa si kulul udhaleeceeyay falkaan afduubka ah ee muwaadinka loogu gacan geliyay shisheeyaha Mareykanka.
Kooxda Riddada Soomaaliya ee saliibiyiinta la shaqeysa ayaa caan ku ah in ay muwaadiniinta soomaaliyeed ka iibsato gummeystayaasha soo duulay, sanaddii 2017-kii ayay aheyd markii uu sirdoonka kooxda uu sidaan oo kale Cabdikariin Qalbidhagax uga gacan geliyay dowladda Xabashida Itoobiya.