Ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidamada Kuffaarta Kenya ee deegaanka Dhaashooy ee hoostaga Faafi ee gobolka Gaarisa ee ku hoos jira gumeysiga dowladda saliibiyadda ah ee Kenya.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah oo aynu helnay, ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayna jiraan khasaare dhimasho, dhaawaca iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray Kufaarta Kenya.
Waxaa xusid mudan in xerada uu weerarku ka dhacay ay dagaalka kadib soo caga-dhigteen dhowr diyaaradood oo nooca kuwa qumaatiga ukaca ah, kuwaasi oo goobta ka daabulay maydadka iyo dhaawacyada saliibiyiinta Kenya.
Dhanka Hiiraan ee dhacda bartamaha Soomaaliya, howlgal ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Baladweyne, gaar ahaan xaafadda Nuur-xawaad, ayaa lagu dhaawacay askari ka tirsan maleeshiyaadka Riddada.
Sidoo kale, waxay ciidamada Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidamada Kufaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Uganda iyo sidoo kale saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ah kuleeyihiin degmada Jannaale, sidaas oo kale waxay Mujaahidiintu u weerareen xerada ciidanka Kufaarta Yugaandha kaga suganyihiin Tuulada Buulo-Naageey ee hoostagta deegaanka Numbar/60.