Dowladda Kenya, ayaa si rasmi ah uga hadashay is hor-taag iyo masaafurin ay isugu dartay ra’iisul wasaare ku xigeenka kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Jibriil Cabdirashiid Xaaji.
Warkan oo ay soo saartay mid ka mid ah hay’adaha ammaanka ee Kenya, ayaa lagu soo bandhigay nuqul ka mid ah Baasaboorka Kenyanka ah ee uu watay Jibriil Xaaji, waxayna u jeediyeen eedaymo culus.
Dowladda Kenya, ayaa ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee kooxda Riddada ku eedeysay in lagu helay Baasaboor uu si sharci-darro ah ku helay, waxay sidoo kale la xiriiriyeen qorsheyaal lagu qalqal-gelinayay amniga deegaannada ku dhow dhow xuduud beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu hub ku daabulay mid ka mid ah magaalooyinka dhaca xuduud beenaadka, hubkaas ayay sheegeen in uu ugu talagalay in uu ku qalabeeyo maleeshiyo deegaanka, si ay u abuuraan bay tiri amni darro.
Marka la qabanayay ayay Kenya sheegtay in uu kusii jeeday deegaanka uu hubka ku daabulay, waxaa sidoo kale ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee kooxda Riddada lala xiriiriyay weerarkii ka dhacay magaalada Baydhaba ee ay kooxda Riddadu kula wareegtay maamulka Koonfur-galbeed, halkaas na kaga dhigtay hoggaamiye kumeel gaar ah.
Jibriil Cabdirashiid oo bayaan soo saaray, ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedaha loo jeediyay ee dowladda Kenya ku dhaliyay inay ka masaafuriso dalkeeda, dibna ugu celiso magaalada Muqdisho oo uu markii hore kasoo kicitimay.