Kooxda Ridadda Soomaaliya ayaa sare uqaadday ololaha dagaal ee ka dhanka ah maamulka ashahaadda ladirirka ah ee isku magacaabay Puntland waxayna hub iyo saraakiil udaabushay deegaanno katirsan gobollada waqooyi Bari.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool,kooxda Riddada Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe magaaladaas ka dajisay 2 diyaaradood oo hub sida iyo saraakiil horay uga tirsanaa maamulka ashahaadda ladirirka Puntland waxaana saraakiishaas kamid ah Jimcaale Jaamac Samatar oo Xasan Gurguurte uu maalmo ka hor umagacaabay in uu hogaamiyo qeybta 54-aad ee maleeshiyaadka kooxda Riddada ee fadhigoodu yahay magaalada Garowe.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxda Riddada ay damacsantahay in boqolaal maleeshiyaad ah oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka qoratay gobollada Bari iyo Nugaal ay isugu geyso duleedyada Garowe iyo Goldogob si ay halkaas ugula dagaallammaan maamulka Siciid Deni madaxda ka yahay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sarkaalka lagu magacaabo Jimcaale ay la socdaan illaa 49 askari kuwaas oo ilaalo unoqon doono illaa uu ka gaaro duleedka Garowe waxaase shaki laga muujinayaa sida uu qorshahan suurtagal ugu noqon doono kooxda Riddada.
Jiritaanka arrintan waxaa markii ugu horraysay qiray Xamza Cabdi Barre oo ah R/wasaaraha kooxda Ridada kaasi oo faragelinta ay ku hayaan maamulka Puntland ku sifeeyay shaqaalaysiin ay shaqaalaysiinayaan dad soomaaliyeed isagoo uduur xulayay maleeshiyaadka ay ka qoranayaan deegaannada uu maamulo Siciid Deni.