Citizen Digital oo ka mid ah wargeysyada Onlineka ah ee saamaynta xooggan ku leh gudaha waddanka Kenya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay kusii siqayso meel ay ku loollamayaan dalalka shisheeye, loona soo xawilo dagaal-wakaaladeedyada.
Sacuudiga, Turkiga, Masar iyo Iiraan, oo ay weheliyaan quwado kale oo caalami ah, ayuu wargeysku tilmaamay in danahoodu ay si isa soo taraysa ugu kulmayaan Soomaaliya, oo ah marin istiraatiijiya oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo amniga maraakiibta.
Warbixintu waxay xustay, in wefti millateri oo ka socday Sacuudiga ay ku dhawaad laba usbuuc ka hor, gaar ahaan 29-kii Juun 2026, booqdeen xerooyin tababar oo kooxda riddada Soomaaliya ka samaysay deggaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Booqashadan ayuu wargeyska Citizen Digital ka dhawaajiyey inay qayb ka ahayd barnaamij ay maalgelinayso dowladda riddada ee boqortooyada Sacuudiga, kaas oo lagu tababarayo dhowr Kun oo askari oo ka tirsan kooxda riddada Soomaaliya.
Askartan calooshood-u-shaqaystayaasha ah oo loo carbinayo sidii ay ugu adeegi lahaayeen danaha Sacuudigu ee dalka Soomaaliya, ayuu wargeysku xusay in tababarkooda ay bixinayaan khubaro ciidan oo ajnabi ah oo ka kala socda dalal dhowr ah.
Falanqeeyayaal uu wargeysku soo xigtay ayaa ka digay in tababarrada iyo taageerada millateri ee quwadaha dibaddu ka bixiyaan dalka nugul ee Soomaaliya ay tahay tallaabo u adeegaysa dano shisheeya, isla markaana ka dhan ah danta qaranka Soomaaliya.
Waxa kale oo falanqeeyayaashu carabaabeen in loollanka gobolka ee u dhexeeya quwadaha uusan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse uu ku fiday dalal kale , sida Suudaan, oo ay ka socdo dagaal ba’an oo geystay burbur xooggan, laguna xasuuqay dad fara badan oo shacab ah.
Caqabadda ugu weyn ee haatan ku wajahan dalka Soomaaliya ayuu wargeysku xusay in uu yahay kala qoqobka iyo kala-qaybinta ay ku hayaan danaha dalalka shisheeya ee tartanka ugu jira istaraatiijiyadda juquraafiyaadeed ee Soomaaliya.
Warbixintan ayaa kusoo aadaysa xilli dowladda saliibiyadda Marakanka iyo maamulka Kiyaanka Sahyuuniga ee Yahuuddu ay saldhigyo millateri ka samaysteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya.