Hay’adda falanqaynta amniga iyo sirdoonka ee African Security Analysis (ASA) oo fadhigeedu yahay Sweden ayaa qiimeyn ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka ka socda Mali uu galay marxalad cusub oo khatar ku ah dowladda Mali iyo ciidamada murtazaqada Ruushka.
Warbixinta ayaa xustay in gulufka xooggan ee ay wadaan jihaadiyiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin iyo kooxda Azawaad ee gacan-saarka ay leeyihiin, aysan qabsashadoodu ku koobnayn magaalooyinka iyo saldhigyada ciidamada oo kaliya, balse ay bartilmaameedsanayaan xudunta awoodda dowladda.
Meelaha ay warbixintu tilmaantay in jihaadiyiintu ay haatan awoodda saarayaan ayaa waxaa ka mida waddooyinka muhiimka ah, kolonyada ciidamada, garoonnada diyaaradaha, khadadka sahayda, xabsiyada, saldhigyada ciidamada ee safka hore iyo waddooyinka ciidamadu ay isaga kala gudbaan.
Weerarradii dhacay labadan usbuuc ee u dambeeyey, gaar ahaan hawl-gal ay dagaalyahannadu ku go’doomiyeen magaalada Anéfis oo saldhig millateri ay ku leeyihiin ciidamada Ruushka iyo kuwa Mali, ayay warbixintu xustay inuu noqday tusaalaha ugu cad ee bannaanka soo dhigay isbedelladii ugu dambeeyey ee dagaalka Mali.
Anefis waxay ku taallaa jidka isku xira magaalooyinka waqooyiga ee Gao iyo Kidal oo ah marin muhiimad ballaaran ugu fadhiya ciidamada Mali iyo calooshood-u-shaqaystayaasha Ruushka, sidaas darteed ayay tiri warbixintu, haddii jidkani uu noqdo mid aan la isku hallayn karin, dowladda Mali waxaa ku adkaan doonta inay sii xejisato awooddeeda gobollada waqooyi ee dalka.
Hey’adda ASA, waxay sheegaysaa in dagaalka Maali uu haatan u sii xuub-siibanaayo dagaalka marinnada, oo muhiim u ah xakamaynta dhaqdhaqaaqyada, sahayda iyo waddooyinka, kaas oo laga dheehan karo qaabka ay haatan wax u wadaan jihaadiyiintu.
Warbixintu waxay sheegaysaa in daciifnimada ugu weyn ee dowladda Mali aysan ahayn oo kaliya awoodda dagaal ee tooska ah, balse ay tahay, saldhigyo badan oo go’doonsan, waddooyin halbowle ah oo dagaalyahannadu ay la wareegeen iyo ku tiirsanaanta gaadiidka cirka.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay tilmaantay in haddii Bamako ay ku guuldarreysato inay ilaaliso jidka Gao ilaa Kidal, sheegashada dowladda ee ah inay maamusho waqooyiga Mali ay isugu soo ururayso mid magac-u-yaal uun ah, halka jihaadiyiintuna saamayntooda ay sii xoojinayaan.
Warbixintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo ku dhawaad laba usbuuc ka hor jihaadiyiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin iyo kooxda ay gacan-saarka leeyihiin ee Azawaad, ay mar kale qaadeen hawl-gal xooggan oo ay kula wareegeen dhul aad u ballaaran, kadib markii cagta ay mariyeen ciidamada Mali iyo kuwa dowladda Ruushka.