Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • TPLF Oo Abiy Axmed Ku Eedeysay Abaabulka Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Shacabka Tigray.
  • Allposts
  • Warar

TPLF Oo Abiy Axmed Ku Eedeysay Abaabulka Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Shacabka Tigray.

July 18, 2026

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Itoobiya iyo maamulka Tigray ayaa mar kale sii xoogeysanaya, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan eedeymo culus oo muujinaya in kalsoonidii ka dhalatay heshiiskii nabadda ee Pretoria ay sii wiiqmeyso. Xiisaddan cusub ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in gobolka uu mar kale u jiheysto isku dhac hubeysan.

Maamulka Tigray ayaa ku eedeeyay dowladda Abiy Axmed inay abaabushay isu-soo-bax lagu sheegay mid nabadeed si loo wiiqo mowqifka shacabka Tigray. Sidoo kale wuxuu maamulka ku andacooday in dowladda federaalku waddo diyaargarow ciidan, weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah iyo olole sumcad dil ah oo ka dhan ah shacabka Tigray.

Dhanka kale, qabanqaabiyeyaasha dibadbaxa oo isku magacaabay Golaha Nabadda iyo Isbeddelka Tigray ayaa sheegay in ujeeddada isu-soo-baxu tahay in lagu dalbado hirgelinta heshiiska Pretoria, joojinta askareynta khasabka ah ee dhalinyarada iyo in xal nabadeed loo helo xaaladda bani’aadannimo, dhaqaale iyo amni ee ka jirta gobolka.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii golaha deegaanka Tigray uu ku dhawaaqay in heshiiskii Pretoria uusan mar dambe noqon karin saldhig lagu xalliyo khilaafka, isagoo dowladda federaalka ku eedeeyay inay hor istaagtay fulinta heshiiska. Dowladda Federaalka ayaa iyaduna TPLF ku eedeysay inay xiriir la leedahay Eritrea iyo Suudaan, eeddaas oo ururka TPLF uu si cad u beeniyay.

Dagaalkii Tigray ee billowday dabayaaqadii sanadkii 2020 ayaa sababay khasaaro naf iyo maalba leh, malaayiin qofna waxay ku barakaceen gudaha iyo dibadda dalka. Inkastoo heshiiskii Pretoria ee 2022 uu soo afjaray dagaalladii waaweynaa, haddana arrimo badan oo salka ku haya khilaafka, sida amniga, maamulka iyo fulinta qodobbada heshiiska, ayaan weli si buuxda loo xallin.

Hadallada kulul ee labada dhinac, eedeymaha is-daba jooga ah iyo cabashada laga muujinayo dhaq-dhaqaaqyada militari waxay muujinayaan in weli ay muuqdaan saansaanta colaad cusub.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 04-02-1448-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -04-Safar-1448-Hijri.

Related Stories

Dagaallo Lagu Jebiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Duleedka Baardheere+Khasaaraha.
  • Allposts
  • Warar

Dagaallo Lagu Jebiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Duleedka Baardheere+Khasaaraha.

September 9, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 27-03-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 27-03-1448-Hijri.

September 9, 2026
Maamulka Deni Oo Burburin Ku Billaabay Guryo Dad Shacab Ah Degganyihin Oo Kuyaal Boosaaso.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Deni Oo Burburin Ku Billaabay Guryo Dad Shacab Ah Degganyihin Oo Kuyaal Boosaaso.

September 9, 2026

Sawirro

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada